Sunday, June 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Murtiyeed: Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo soo xirmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 16, 2018
in Wararka
0
War-Murtiyeed: Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo soo xirmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa soo gabagaboobay kulankii afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) kana soo qeybgaleen Wasiirada Dastuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle) iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 15 – 16kii Maarso 2018.

Ujeedooyinkii kulanka iyo qodobadii ay isku raaceen Wasiirada waxaa Warbaahinta u akhriyay La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon.

Related posts

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

June 28, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

June 28, 2025

UJEEDOOYINKA KULANKA AFRAAD EE MADASHA:

  1. Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir saddexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo Saddexda bilood ee soo socota.
  2. Soo bandhigidda qorshaha iyo qaab-fulineedka arrimaha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha.
  3. Muddeynta iyo u diyaargarowgaShirweynaha Qaran ee daahfurka ololaha dib-u-eegista Dastuurka.
  4. Xal u helida caqabadaha ku hareereysan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

QODOBADA KA SOO BAXAY MADASHA:

Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib, madashu waxay isku raacday qodobadan soo socda:-

1) Madashu waxay uga mahadcelineysaa Dowlad GoboleedkaKoonfur Galbeedee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka afraad ee madasha.

2) Madashu waxay soo dhawaysay una hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka Dowlad Goboleedka Hiirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim iyo Agaasimaha cusub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyaynta ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdifataax Cali Xasan.

3) Madashu waxa ay soo dhaweeysay horumaradii laga sameeyay Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waxayna dhiirri-galinaysaa in lasii dar-dargaliyo.

4) Madashu waxay bogaadinaysaa wadashaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista dastuurka, waxayna dhiirri-galineysaa in lasii xoojiyo, waxii khilaaf ahna lagu xaliyo wada hadal iyadoo aysan saameyn ku yeelan howlaha Dib-u-eegista Dastuurka.

5) Madashu waxey amaantay kaalinta yididiilada leh ee joogtada ah ee Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul Wasaaraha XFS ka qaataan Dib u-Eegista dastuurka iyo weliba isku soo dhaweynta Hay’adaha ku shaqada leh.

6) Madashu waxey si diiran usoo dhaweysay go’aankii kulanka Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho 6da – 10ka Febraayo 2018 kaasoo la isla qaatay in hawlaha dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gabagabeeyo sannadka 2018ka, iyadoo qodabada dib-u-eegista loo kala hormarinayo siday u kala muhiimsan yihiin.

7) Madashu waxey sidoo kale soo dhaweysay talaabo horumar lehna ku tilmaamtay go’aankii Golaha Amniga Qaranka ee qabashada shirweyne ka dhici doona magaalada Baydhabo caasimadda ku-meel-gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya 28ka Maarso 2018, kaasoo looga arrinsan doono arrimaha doorashooyinka iyo qeybsiga kheyraadka.

8) Shirka Madasha waxaa la isla ogolaadayqorshaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay soo bandhigtay ee ku saabsanaa qaab fulineedka Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

9) Madashu waxay isla garwaaqsatay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan.

10) Madashu waxay ku heshiisay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo ololaha daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah (heer gobol, degmo iyo tuulo)fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

11) Madashu waxay soo jeedineysaa in la qabtoShirweynaha Qaran ee daahfurka dib-u-eegista dastuurka ugu dambeyn bisha Abriil 2018 si si rasmi ah loo guda galo ololaha hirgelinta dib-u-eegitsta dastuurka.

12) Madashu waxay isla garatay in kulanka shanaad ee madasha lagu qabto Dowlad Goboleedka Galmudug Soomaaliya Juun 2018ka.

13) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo Hay’adaha Soomaaliyeed ee Maxaliga ah taageeradoodaku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Wabilaahi Towfiiq.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Gabar Soomaaliyeed oo loo magacaabay la taliyaha xoghayaha guud ee QM

Next Post

Dowladda Shiinaha oo dib u bilaabaysa dhismaha xarumo muhiim ah

Next Post
Shirka Siyaasadda Dhalinyarada oo Muqdisho ka furmaya

Dowladda Shiinaha oo dib u bilaabaysa dhismaha xarumo muhiim ah

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ah...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda...

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In