Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedka Shirka Taliyaasha Ciidamada dalalka ka Midka ah howlgalka Midowga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
War-murtiyeedka Shirka Taliyaasha Ciidamada dalalka ka Midka ah howlgalka  Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Taliyeyaasha Ciidamada dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku qabsoomay Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysay 30-ka Nofeembar, ilaa 4-ta Diseembar 2024, iyadoo diiradda lagu saaray qorshaha hawlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo ku eg 31 Diseember 2024 iyo howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirka oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayna ka qeyb galeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Soomaaliya, Djibouti, Uganda, Burundi, Kenya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Hawlgalka ATMIS iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa waxaa ka soo baxay;-

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

1. Soo dhaweeynta howlgalka cusub ee AUSSOM, iyada oo lagu adkeeyay in howlgalka uu ka faa’iideysto casharradii laga bartay ATMIS, si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

2. Waxaa lagu bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira iskaashiga iyo horumarinta qorsheyaasha kadib bixista ATMIS.

3. Dalalka ciidamada ku deeqay ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

4. Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa xaqiijiyey sida ay u garab taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida, iyo xuduudaha Soomaaliya.

5. Waxaa la soo jeediyay in la sameeyo hab-raacyo isku-dubarid ah oo heer istaraatiiji, hawlgal, iyo farsamo leh.

6. Dowladaha waxay isku raaceen qorshe lagu horumarinayo meelaha istiraatiijiga ah ee ay dagi doonaan AUSSOM.

7. Beesha caalamka ayaa lagu boorriyay in ay sii wadaan taageerada dhaqaalaha iyo qalabka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Shirka ayaa gabgabdii la isla qaatay in la sii xoojiyo guulaha la gaaray, lana taageero qorshaha iyo dadaalada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee horumarinta amniga Qaranka.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin adag ka soo saaray falalka maalgelinta argagixisada

Next Post

Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka iyo Amniga IGAD

Next Post
Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka iyo Amniga IGAD

Soomaaliya oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka iyo Amniga IGAD

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In