Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedkii shirka London-Akhriso

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Warbixin: Shirka London iyo ahmiyadda uu u leeyahay bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arimaha Soomaaliya ee  London, ayadoo ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres.

Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayadoo madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi.

  • (Humanitarian) Arrimaha bani’aadanimada;

Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen,lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay.

Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.

Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

  • (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka;

Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay  kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda hubka ee saran Soomaaliya si hub iyo saanad military ay soo iibsankarto isla markaana  ay u suurtagasho in ay xasiliso amniga wadanka.

Waxaa sidoo kale la isku raacay qorshaha amniga qaranka ee dowladda Sooomalaiya iyo maamul goboleedyada ay ku heshiiyeen 16 bishii tagtay.

Marka laga hadlayo amniga ayaa waxaa la taageeray horumarainta hanaanka maamul maamliyadeed ee dalka lagu lafaguri doono shir daba socoda kan maanta la qaban doono bisha October ee sanadkan.

  • (More Inclusive Stable Politics) xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay

Qodobkan ayaa waxaa lagu xusey in ahmiyadda ay leedahay hanaanka dibu eegista dastuurka oo keeni kara horumarinta amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.

Xoojinta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa la taageeray si doorasho qof iyo cod ah dalka ya ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.

Waxaa kale oo la go’aamiyay ahmiyadda ah leedahay in la soo wado wadahadaladii u dhxeeyay dowladda iyo maamulka Somaliland, iyadoo la soo dhaweeyay hamiga dowladu u heyso arintaas.  Waxaan rajeynaynaa in doorashada madaxtinimada ee Somaliland  oo dhici doono November 2017 ay keeni doonto fursad lagu dar dargelinyo wadahadalka  ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Waxaa kale oo la soo dhaweeyay doorta qurbe joogta ee horumarka dalka ay ku leeyihiin.

4- (Accelerating Somalia’s Economic Recovery ) dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka

Dhaqaale xoogan in la horumariyo waxaa ay keeneysaa in nolshada dadka Soomaaliyeed kor loo qaado lana sameeyo shaqo abuur.  Xoojinta dkhliga gudaha ayaa aas aasu ah in la yareeyo u nuglaansha baaraha in la adkeeyo xasiloonida ayaa qeybka ah horumarinta  iyo u adkeysiga xaaladaha adag una baahan in la sameeyo qorshe horumarineed oo joogto ah.

Shirkadaha xawaaladaha  Soomaalida ayaa ah kuwo muhiim u ah nolshada dalka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay qeyb weyn ka qaataan kabaca dhaqaalaha dalka, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo bankigayada ay xiriirka ganacsi la leeyihiin, isla markaana la dejiyo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Waxaa la soo dhaweeyay qorshaha dowladda cusub oo ah la dagaalanka musuq,iyadoo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada lagu adkeeyay in ay xoojiyaan arintan isla markaana talaabo adag laga qaado dadka lagu helo musuq iyo wax isdabo marinta.

  • (New Partnership for Somalia)

Qodobka u dambeeya warmurtiyeedka ayaa waxaa uu ahaa qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya iyadoo la garowsday in qorshaha horumarinta qaranka uu yahay kan lagu wada shaqeyn doono, gaar ahaan amniga, dhismaha hey’adaha dowliga ah, xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqa iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

https://www.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/613714/london-somalia-conference-2017-communique.pdf

 

Previous Post

Maamulka Shabeellaha Hoose oo gargaar gaarsiiyey dadka ay abaaraha saameeyeen ….

Next Post

Daawo Sawirrada:- Shirkii lagu gabagabeeyay London

Next Post
Daawo Sawirrada:- Shirkii lagu gabagabeeyay  London

Daawo Sawirrada:- Shirkii lagu gabagabeeyay London

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In