Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR-SAXAAFADEED: BOORSOOYIN LACAG LAGA SOO BUUXIYAY OO LAGU QABTAY GAROONKA AADAN CABDULLE

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
WAR-SAXAAFADEED: BOORSOOYIN LACAG LAGA SOO BUUXIYAY OO LAGU QABTAY GAROONKA AADAN CABDULLE
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WAR-SAXAAFADEED ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayo  Boorsooyin lacag laga soo buuxiyay oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho ayaa u qornaa sidan:-

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Maanta barqadii abbaaro 11:40am waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.

Diyaaraddan waxyaabaha ay sidday waxaa kamid ahaa 3 boorso aan calaamadeysnayn. Hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.

Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.

Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).

Hay’adaha amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.

Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ay caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.

Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

DHAMMAAD

Previous Post

Horseed Iyo Batroolka Labada Dhinac Guul Waa U Muhiim

Next Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In