Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR SAXAAFADEED: XUSKA MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

WAR SAXAAFADEED

Maanta 20ka Nofeembar, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula dabaaldegaysaa adduunka intiisa kale xuska Maalinta Carruurta ee Caalamiga ah. Waxaanu  is xusuusineynaa in 20kii Nofeembar, 1989 Golaha Qaramada Midoobay ay ansixiyeen Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC) si ay u muujiyaan in dunidu ay aqbaleen in xuquuqda carruurta ay tahay xuquuqda bini’aadamka, Isla markaana ay xuquuqdoodu u qalanto in la  difaaco oo ay kor u qaadaan dhammaan dawladaha adduunku.  Soomaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda caruurta 9-kii Maajo, 2002. Bishii Janaayo, 2015, waddanka Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u  ansixiyay Heshiiska xuquuqda caruurta. Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku noqonaya iney diyaariso warbixinta hordhaca ah labo sano ka dib markii la ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee xuuuqda caruurta.
Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ah Wasaaradda mas’uulka ka ah xuquuqda caruurta, ayaa ka hawl gashay isku duwidda howlaha ay Hirgaliyeen wasaaradaha safka hore iyo ururrada bulshada rayidka ah ee heerarka Federaalka iyo dawlad goboleedyadaba ee khuseeya xuquuqda caruurta si looga helo macluumaad dhameystiran ee ku saabsan hirgalinta heshiiska xaquuqda caruurta oo lagu daro warbixinta horudhaca ee heshiika xuquuqda caruurta.  Carruurta, dadka da’da yar, waalidiinta iyo daryeelayaasha kale ee carruurta ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hannaanka isku soo aruurinta warbiximaha ku aadan hirgalinta heshiiska, waxayna bixiyeen macluumaad qiimo sare u leh warbixinta. Hannaanka qoraalka warbixinta horudhaca ah ayaa billaabatay iyadoo la tixgalinayo daneeyayaasha oo idil ugu dambaystana loo gudbinayo warbixinta Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta. Hannaanka qorista warbixinta waxay siinaysaa dhamaan caruurta Soomaalida ah, dadka da’da yar, dadka waaweyn iyo dhammaan dowladda in ay  isku hawlaan sidii ay u hubin lahaayeen in ay carruurta Soomaaliya joogtaa awood u yeelato inay ku raaxeystaan xuquuqdooda sida ku cad Heshiiska xuquuqda caruurta. Waa hawl adag, laakiin si tartiib tartiib ah ayaan ku gaari karnaa tan. Wasaaraddu waxay billowday talaabooyin  ay  ku soo bandhigayso,  kuna hirgelinayso Heshiiska xuquuqda caruurta iyada  oo la billaabay diyaarinta Sharciga Xuquuqda Carruurta (Child Rigts Act). WHHXA waxaa ka go’an meelmarinta xuquuqda carruur  kasta oo Soomaali ah, iyo in la hubiyo in ay gaaraan awoodooda buuxda mid waxbarasho, caafimaad, deegaan iyo bulsho intaba.
Waxaan ku dhiiragelinaynaa warbaahinta iyo daneeyayaasha kale in ay si joogta ah u booqdaan bogga warbaahinta bulshada ee WHHXA si ay ula socdaan wixii lagu soo cusbooneysiiyo wixii horumar ah ee ku saabsan horumarinta xuquuqda carruurta. Warbaahinta waa daneeyaha muhiimka ah ee nala wadaagay ka guul gaaridda geedisocodka hirgalinta Heshiiska xuquuqda caruurta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa dhamaan  qeybaha dowladda, bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga in loo midoobo hirgalinta heshiiska xuquuqda caruurta si ubadka soomaaliyeed berri ugu noolaadaan mustaqbal wanaagsan.

Previous Post

PRESS STATEMENT FOR THE UNIVERSAL CHILDREN’S DAY, 2017

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo gaaray Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo gaaray Cadaado “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo gaaray Cadaado "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In