Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR SAXAAFADEED: XUSKA MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 20, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS”Dowladda Soomaaliya way wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

WAR SAXAAFADEED

Maanta 20ka Nofeembar, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula dabaaldegaysaa adduunka intiisa kale xuska Maalinta Carruurta ee Caalamiga ah. Waxaanu  is xusuusineynaa in 20kii Nofeembar, 1989 Golaha Qaramada Midoobay ay ansixiyeen Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC) si ay u muujiyaan in dunidu ay aqbaleen in xuquuqda carruurta ay tahay xuquuqda bini’aadamka, Isla markaana ay xuquuqdoodu u qalanto in la  difaaco oo ay kor u qaadaan dhammaan dawladaha adduunku.  Soomaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda caruurta 9-kii Maajo, 2002. Bishii Janaayo, 2015, waddanka Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u  ansixiyay Heshiiska xuquuqda caruurta. Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku noqonaya iney diyaariso warbixinta hordhaca ah labo sano ka dib markii la ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee xuuuqda caruurta.
Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ah Wasaaradda mas’uulka ka ah xuquuqda caruurta, ayaa ka hawl gashay isku duwidda howlaha ay Hirgaliyeen wasaaradaha safka hore iyo ururrada bulshada rayidka ah ee heerarka Federaalka iyo dawlad goboleedyadaba ee khuseeya xuquuqda caruurta si looga helo macluumaad dhameystiran ee ku saabsan hirgalinta heshiiska xaquuqda caruurta oo lagu daro warbixinta horudhaca ee heshiika xuquuqda caruurta.  Carruurta, dadka da’da yar, waalidiinta iyo daryeelayaasha kale ee carruurta ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hannaanka isku soo aruurinta warbiximaha ku aadan hirgalinta heshiiska, waxayna bixiyeen macluumaad qiimo sare u leh warbixinta. Hannaanka qoraalka warbixinta horudhaca ah ayaa billaabatay iyadoo la tixgalinayo daneeyayaasha oo idil ugu dambaystana loo gudbinayo warbixinta Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta. Hannaanka qorista warbixinta waxay siinaysaa dhamaan caruurta Soomaalida ah, dadka da’da yar, dadka waaweyn iyo dhammaan dowladda in ay  isku hawlaan sidii ay u hubin lahaayeen in ay carruurta Soomaaliya joogtaa awood u yeelato inay ku raaxeystaan xuquuqdooda sida ku cad Heshiiska xuquuqda caruurta. Waa hawl adag, laakiin si tartiib tartiib ah ayaan ku gaari karnaa tan. Wasaaraddu waxay billowday talaabooyin  ay  ku soo bandhigayso,  kuna hirgelinayso Heshiiska xuquuqda caruurta iyada  oo la billaabay diyaarinta Sharciga Xuquuqda Carruurta (Child Rigts Act). WHHXA waxaa ka go’an meelmarinta xuquuqda carruur  kasta oo Soomaali ah, iyo in la hubiyo in ay gaaraan awoodooda buuxda mid waxbarasho, caafimaad, deegaan iyo bulsho intaba.
Waxaan ku dhiiragelinaynaa warbaahinta iyo daneeyayaasha kale in ay si joogta ah u booqdaan bogga warbaahinta bulshada ee WHHXA si ay ula socdaan wixii lagu soo cusbooneysiiyo wixii horumar ah ee ku saabsan horumarinta xuquuqda carruurta. Warbaahinta waa daneeyaha muhiimka ah ee nala wadaagay ka guul gaaridda geedisocodka hirgalinta Heshiiska xuquuqda caruurta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa dhamaan  qeybaha dowladda, bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga in loo midoobo hirgalinta heshiiska xuquuqda caruurta si ubadka soomaaliyeed berri ugu noolaadaan mustaqbal wanaagsan.

Previous Post

PRESS STATEMENT FOR THE UNIVERSAL CHILDREN’S DAY, 2017

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo gaaray Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo gaaray Cadaado “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda oo gaaray Cadaado "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In