Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 months ago
in Wararka
0
War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo tixraaceysa himilooyinka dastuuriga ah iyo gorsheyaasha horumarmeed ee dalka, waxay muddo toban sano ah ku howlaneed dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka kaas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada iyo sugidda amniga Qaranka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026

Xukuumadda DFS ayaa horey u meelmarisay Siyaasadda Agoonsiga Qaranka, sidoo kale labadda Aqal ee Barlamaanka DFS ayaa iyana meelmariyey xeerka Aqoonsiga Qaranka Xeer lambar 9, Maarso 2023 iyo xeerka illaalinta Xogta Muwaadinka Xeer lambar 5, Maarso 2023, waxaana la aas-aasey Hayโ€™adda Qaranka ee

Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA). Waxaa sidoo kale dalka loo soo iibiyey qalab casri ah oo lagu daabaco, lagu keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadinunta Soomaaliyeed. Waxaana Aqoontooda la dhisey, si rasmi ahna loo dhaariyey shaqaalaha NIRA si ay si hufan oo ammaan ah ugu gutaan waajibaadkooda Qaran.

Ujeedada Aqoonsiga Qaranku waa mid qaran oo istiraatiji ah โ€“ in muwaadin kasta yeesho tirsi gaar ah (11 lambar) oo sharci ah, taasoo fududeyneysa helitaanka adeegyada dowliga ah, la-dagaallanka khatarta kooxaha Khawaarijta iyo kor u qaadidda socdaalka gudaha dalka iyo mustaqbalka dhow fursadaha u socdaalidda dalalka Bulshadda Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka nogotey. Sidoo kale, Aqoonsiga Qaranka wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa gaarista yoolka horumarineed ee SDG 16.9, oo ah in la gaaro aqoonsi sharci ah oo loo siman yahay dhammaan dadweynaha ka hor sanadka 2030.

Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu cargaladeynayo Aqoonsiga Qaranka (Lr. 04, 09/04/2025), waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka.

Waana jahwareer iyo nidaam daro dowladeed. Ficiladda noocan ahi wax sal iyo raad ah kuma lahan aragtiyadda dowladnimo iyo masuuliyad Qaran. Kamana muugato lixjeclo iyo dan-qasho ummadeed

Aqoonsiga Qaranku waa xaq muwaadin, mana bannaana in laga hor istaago ama laga carqaladeeyo. Qof kasta oo Soomaaliyeed xaq ayuu u leeyahay in uu helo aqoonsi sharci ah, oo xogtiisu amaan tahay. Tallaabo kasta oo lagu hor istaago xaqaas, waxaa loo aqoonsanayaa is-hortaag xuquuq muwaadinimo oo sharci ah.

Wasaaraddu waxay ku boorineysaa madaxda Puntland in ay si garanimo leh uga qeybqaataan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka, ayna bulshada deegaanka uga faaโ€™iideeyaan nidaamka qaran ee horey loo dhisay. Waxaa habboon in dhagaalaha ku baxaya dhismaha aqoonsi kale oo cusub loo adeegsado shaqooyinka ama adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka deegaanka, halku lagu abuuri lahaa nidaam kale oo cusub oo carqalad ku ah midnimada hayโ€™adaha dowladda. Ma jirto awood dhaqaale oo suurto gelinaysa in dalku yeesho Aqoonsiyo kala duwan, marka si masuuliyad leh loo eego baahiyaha tiradda badan ee bulshadeena haysta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay mar kale xaqujineysaa in Aqoonsiga Qaranka yahay himilo Qaran, isla markaana u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay joogaan. Waxaa muhim ah in aan carqalad iyo jahwareer lagu furin dadaaladda dowlad-dhiska dalka oo ah wax la wadda leeyahay.

Previous Post

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in awoodda argagixisada la wiiqay kadib muddo labo sano oo howlgal xiriir ah

Next Post

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š โ€œ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‘๐š๐ฒ๐ข๐๐ค๐š ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐š๐ง๐š๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐งโ€

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo baaq u diray Hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo baaq u diray Hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU โ€“ June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In