Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa ku soo badanayay waayadaan Dambe Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ,taas oo keentay in Wadooyinku ay noqdaan kuwoo Saxmad Badan ,Saameynta ugu bandanna Ganacsiga iyo Dadweynaha shaqooyinka u socda ayey ku yeelatay arintaasi
Xilliyada ay socdaan gaadiidkaasi waa wakhtiyada ugu badan ee ay wadooyinka caasimadu yihiin saxmad ,iyadoo horay loo go,aamiyay in gaadiidka xamuulka ah ay mari karaan oo kaliya wadada ka soo baxda dekedda ,isla markaana marta isgoyska taleex ee degmada hodon
gaadiidka xamuulka ah waxa ay dekedda ugu soo baxaan iyagoo koox koox u socda xilliyada qaarna ay hakad galiyaan wadooyin badan oo halbowle u ah magaalada shilal badana horay ayey u dhaceen
qaar ka mid ah ragga darawalada ka ah gaadiidka xamuulka ayaan su ,aalo ka weydiinay sababaha keenay xilliga ay wadooyinka isticmaalaan iyo qatarta ka dhalan karta cod
wasaaradda gaadiidka soomaaliya oo mas,uul ka ah sharuucda guud ee wadooyinka iyo gaadiidka sida uwajahaysa cabashooyinka dadweynaha ka imaanaya
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Cali Gacal Gaabow ayaa inoo sharxaya arimahaasi cod
muhiimadda ugu weyn waa in sharciga u deggan gaadiidka lagu dhaqmaa sida dadka arimahan ku xeel dheer ay soo jeediyeen
wariye: Muuse Cismaan Abtoow