Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Warbixin: Banaadir Oo Badin Weyday 7-Kulan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii ugu adkaaTodobaaadkan horyaalka Soomaliya ayaa dhex maray galabta kooxaha Banaadir iyo Dekada oo isku haystay hogaanka kala horeynta Horyaalka Soomaaliya,

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Labada kooxod ee Banaadir iyo Dekadda ayaa u dhexeeyay sadex dhibcood oo quraa waxaana kooxda Banaadir hami weyn ka soo galay hanashada horyaalka Soomaaliya oo hadii ay ka adkaato kooxda Dekada wadajir ay ku hogaamin lahayeen horyaalka Soomaaliya hase yeeshe waxaa uu ku soo idladay barbaro 0-0 ah walina waxaa u dhexeeya sadexdii dhibcood ee bilowga Ciyaarta u dhexeeyay waxaa u sii dheer Banaadir waxay lumin doonta kaalinta labaad hadii Horseed ay adkaato.

Kooxda Dekadda hal kulan oo quraa ayaa laga adkaaday dhamaan kulamadii ay ciyaartay horyaalka soomaaliya ayadoo kooxda Banaadir laga adkaaday laba kulan dhamaan kulamada ay ciyaartay horyaalka, Labada kulan oo ay lumisay Banaadir kulan ka mid ah waxaa ka adkaatay kooxda Dekadda waana kulankii wareegi hore ee horyaalka Soomaaliya oo Banaadir ay ku Guuldareysatay 1-0 kulanka kale ee kooxda Banaadir laga adkaaday waxaa dhinaceeda dhulka dhigtay Horseed oo ay ka aar-gudatay lugtii labaad galabta ayeey ku guuldareysatay Banaadir ay markale ay ka aar-gudato Dekadda.

Banaadir kulankii ugu danbeyay oo ay soo Ciyaartay Horyaalka Dekadda ka hor waxay ka soo adkaatay kooxda Elman oo kulan ka hor soo garaacday Dekadaha waxaana ay ugu adkaatay Banaadir kooxda Elman 4-2.

Dekada waxay ka soo adkaatay kulankii galabta ka hor Jenyo oo ay ku Soo garaacday 3-0, Kooxda Banaadir ayaa ah mid aanan guuleysan 7-dii kulan ee ugu danbeyay oo ay ka hortagto kooxda horyaalka difaacaneyso ee Dekada waxaana kulan Banaadir ay ka adkaato  Dekada ugu danbeysay sadex sano ka hor xili ciyareedkii ahaa kolkaasi oo kooxda Banaadir ay ku adkaatay 2-0 ma jiro kulan kale oo ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo ay adkaatay kooxda Banaadir 7-dii kulan ee ugu danbeyay horyaalka Soomaaliya.

Labadaan kooxod Banaadir iyo Dekada ayaa ah labada kooxod ee ugu sareeya kala horeynta horyaalka Soomaaliya ayadoo kooxda Dekadda ay sadex dhibcood ka sareyso kooxda Banaadir taasi ayaana ahayd farqiga u dhexeyay labada kooxod ee galabta ku kala baxay barbaro ayadoo Macalinka kooxda Banaadir Mblangu Xuseen ay ka muuqatay Caro fara badan oo ay sabab u ahayd barbaraha kooxdiisa ay la gashay kooxda Dekadda. 

KALA HOREYNTA HORYAALKA WAXBA ISKAMA BADALIN BALSE HORSEED IYO JENYO KULANKOODA AYAA MACQUUL AY NOQON KARTAA IN ISBADAL UU KU YIMAADO KALA HOREYNTA WAAYO HORSEED HADII AY ADKAATO KAALINTA LABAAD AYEEY SOO FARIISAN DOONTA.

Previous Post

Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Next Post

Faqidaada Ciyaaraha: Horyaalka Soomaaliya Iyo Xulka Qaranka 17-Jirada

Next Post
Faqidaada Ciyaaraha: Horyaalka Soomaaliya Iyo Xulka Qaranka 17-Jirada

Faqidaada Ciyaaraha: Horyaalka Soomaaliya Iyo Xulka Qaranka 17-Jirada

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In