Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Baambeyda oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay qabtaan shaqooyin aad u muhiim ugu ah Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ay garaacaan qalab kala duwan kuwaas oo Musiga loo ekeysiinayo in qof uu heesayo oo kale.

Waxaa sidoo kale kooxdan loo yaqaan Bando Musiko waxa ay soo jireen muddo dheer, hadda waxaa ku soo biiray dhallinyaro aad u da’yar oo waliba u badan Hablo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Axmed Guulwade waxa uu ka mid yahay waaya u jooga kooxdan, waxaana uu ka sheekeynayaa sida ay ku bilaabatay “Waxay soo bilaabatay sanadkii 1960-kii, waxaa laga soo kala aruuriyay qeybo kala duwan oo Gobolada dalka ah, shaqooyinka aan qaban jirnay waxaa ugu muhiimsanaa Garaacista Astaamaha Qaranka”

Istaahil Jibriil Maxamed ayaa ka mida Gabdhaha da’yarka ah ee Kooxdan ku soo biiray, waxaana ay ka hadleysaa sababaha ay kooxdan ku dooratay “Aad ayaan u jeclahay qalabkan kala duwan inaan garaaco, Macalimiinta kooxda aad ayay ii soo dhaweeyeen hadda waxaan bartay garaacista qalabyada kala duwan ee Baambeyda ay ku shaqeyso, waalidiinteyduna way igu taageersan yihiin inaan kooxda ka mid ahaado”.

Kooxdan waxaa hadda ka tirsan 15 gabdhood sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Kooxda Maxamed Cali Xalaal, “15 gabdhood ayaa kooxdan ka mid ah, waxay qabteen shaqooyin aad muhiim u ah, waxaan sidoo kale ka rajeyneynaa inay ku biiraan hogaanka kooxda, waxaana jira hablo loo tababarayo”.

Muhiimadda ayaa ah in lagaraaco heeso kala duwan, iyada oo neefta qofka iyo faraha la isticmaalayo Nimco Maxamed oo ka mid ah kooxda ayaa sharaxeysa waqtiga ay ku soo biirtay iyo waxyaabaha ay baratay.

“Waxaan ku jiraa shaqadan muddo labo sano ah, aad ayay u adag tahay in shaqadan la qabto balse mudo dheer kaddib way ii suurtagashay inaan si fiican u barto sida baambeyda heesaha u garaacdo”.

Taliyaha Kooxda Maxamed Axmed Xalaal ayaa sheegaya shaqada kooxda in aysan ku ekeyn oo kaliya magaalada Muqdisho, balse sidoo kalena dhanka Gobolada loo baxo.

Markii dalka uu imaanayo wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka, soo dhaweynta Madaxda Dalka iyo arrimo kale ayey u xilsaaran tahay Kooxda Bando musiko, waxaana la-aasasay horaantii 1943 dhisitaankii Ciidankii Booliska Soomaaliyeed.

Warbixinta waxaa ka diyaariyey Cali Axmed Cismaan

Previous Post

Boqolaal qof oo ku dhaawacmay rabshadihii aftidii gobolka Catalonia ee Spain

Next Post

Wasaaradda Dastuurka Maamul Goboleedka Koofur Galbeed oo tababar ku saabsan Dastuurka Furtay.

Next Post
Xildhimaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Ma’suuliyiin koonfur galbeed ayaa ka qeyb galay Munaasabad tababar loogu furay labo boqol (200) barre oo ku nool Baydhabo

Wasaaradda Dastuurka Maamul Goboleedka Koofur Galbeed oo tababar ku saabsan Dastuurka Furtay.

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In