Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin + Sawirro:-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo so gabo-gabeeyay Tirokoobida Ciidamada Booliska Gobalka Mudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Warbixin + Sawirro:-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo so gabo-gabeeyay Tirokoobida Ciidamada Booliska Gobalka Mudug

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa so gabo-gabeeyay Wajigii kobaad ee tirokoobida Ciidamada Booliska Gobalka Mudug kadib Muddo Todobo cisho ah oo ku sugnaa Gobalka Mudug.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa inta uu u sugnaa Gobalka Mudug maray Degmooyinka Xarfo,Gaalkacyo,Galdogob,Saaxo,Jariiban,Tawfiiq iyo Dhamaan’ba Deegaannada Degmooyinkaasi hoostaga.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Erag ayaa  kormeekiisa Gobalka Mudug ka bilaabay Taliska qaybta Booliska Gobalka Mudug oo u  Warbixin kaga dhagaystay Taliyaha Qaybta Booliska G/dhexe C/waaxid Aw-doon oo tilmaamay in Ciidamada Gobalka si weyn uga shaqeeyan Ilaainta Mandiqada iyo sugida Amniga.
Sidoo kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa inta uu ku sugnaa  Gaalkacyo kormeeray Saldhigyada  Warshad-galayda, kan dhexe, Xarunta danbi baarista,Saldhiga Miir,Xarunta Ciidamada SPU,kantaroolka Bari,kan koonfureed,Laamaha  ilaalada Cashuuradda, Wadooyinka, iyo Xarumo kale oo dhamaantood Ciidamadii jooogay  u tirokoobid ku sameeyay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag)  ayaa Dhamaan Ciidamadii uu ugu taagay Saldhigyada iyo rugahooda Booliska u sheegay  in kormeerkiisan uu yahay uu kuurgalida tayada iyo tiradda Ciidamada Booliska, isfahansiinta Ciidamada Booliska iyo shacabka ,wuxuuna intaas ku daray inay Boolisku yihiin u Adeegyaasha Bulshada.isagoona  xusay in Sirta shacabka ay boolisku xifdiyaan.
Dhinace kale,Taliyaha Ciidamda Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Kulamo gaar ah la qaatey inta ku suganaa Gobalka Mudug,Maamulka Degmada Gaalkacyo,kan Gobalka Mudug,Saraakiishii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee Howlgabka ah iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaaso uu kala hadlay Xoojinta Amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo in si wadajir ah loga qayb qaato.
Waxaana intaas kadib Taliyaha Ciidamada Booliksa Puntland Jen.Erag u gaaray Degmada Galdogob oo ay ku so dhaweeyen  Gudoomiyaha Degmada Galdogob Xassan ( Ayaxle),Taliya qaybta Booliska Degmada Galdogob iyo Mas’uuliyiin kale,kuwaaso tirakoobada Ciidamada kadib u taliyuhu u sheegay in shacabku Degmooyinku yihiin indhihii,Gacmihii iyo Laguhii ay boolisku ku howl-galilahaayen,sidaas daraadeedna lo baahan-yahay in la xoojiyo Xiriirka Bulshada Booliska Puntland.
Ugu Danbaytii Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag ayaa gaarey Deegano ka mid ah Degmooyinka Saax,Tawfiiq iyo Xarfo,isagoona  kormeerka iyo tirakoobida Ciidamada Booliska Gobalka Mudug  ku so gabo gabeeyay  Degmada Jariiban oo ka tagay Deegaanada Gacna-fale,Gobshe,Ceel bardaale,guuca,Mareer,Bali-busle  iyo Deegaanka Garacad oo dhaantood booliska jooga u tirkoobid ku sameeyay.
si’kastaba ha ahaate Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa Dhawaan Bilaabi-doona Wajigii labaad ee Tirakoobada Ciidamada Booliska Puntland,waxaana hadda uu so dhameeyay Goballada Mudug,Nugaal,Sool,Karkaar iyo Qaar ka mid ah Gobalka Bari ee Puntland.
Daawo Sawirrada Tirakoobka Ciidamada Booliska Gobalka Mudug.
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

DAAWO Barnaamijka Waxbarashada

Next Post

Baarlamaanka oo soo saaray lacagaha laga doonayo musharaxiinta

Next Post
Fadhiga baarlamanka oo maanta looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka

Baarlamaanka oo soo saaray lacagaha laga doonayo musharaxiinta

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In