Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin: Shirka London iyo ahmiyadda uu u leeyahay bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 11, 2017
in Wararka
0
Madaxda ka qaybgalaysa Shirka London oo isku raacay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal dhanka Hormarka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha Soomaalya. Madaxweyne Farmajo wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dadaal badan ku bisay Bad baadinta dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu saameeyeen, wuxuuna u mahadceliyay Beesha Caalamka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Shirka oo qeybtiisa hore looga hadlayo arrimaha gar gaarka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay in dowladda ay door muuqdo ka qaadaneyso gurmad gaarsiin bulshada Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters oo isna ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay xoojineyso gurmad gaarsiinta dadka ay abaartu saameysay.

Kulanka waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxmaed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters.

5 sano gudahood waa shirkii seddexaad ee lagu qabto magaalada London ee xarunta dalka Britain kaa soo looga hadlayo   taageerada Beesha Caalamku ay siinayaan Soomaaliya.

Shirkan London ka furmy oo ah kan seddexaad waxyaabaha uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah

1- AMNIGA: dhismaha ciidanka iyo dagaalka lagula jiro burcad badeedda iyo argagixisadda

2- KOBCINTA IYO DIB U SOO NOOLAYNTA DHAQAALAHA DALKA: dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

3- SIYAASADA IYO DIB U EEGISTA DASTUURKA: Qabya tirka dastuurka iyo baahinta maamulka dowliga

4- QAABKA SOOMAALIYA IYO CAALAMKU U WADA SHAQAYNAYAAN:

4- QORSHAHA DOWLADDA SOOMALIYA EE DOORASHO QOF IYO COD SANADKA 2021

Shirkii ugu horeeya ee loo qabtay Soomaaliya laguna qabtay carigga Ingiriiska waxa uu dhacay Dabayaaqadiii bishii February sanadkii 2012 waxaana Soomaaliya ugu qeyb galay Wafdi uu Hogaamiynayay Madaxweynihii dowladii KMG ahayd  Shariif Sheekh Axmed  dhinaca caalamka waxa goob joog ka aha shirkaasi Xoghayihii hore Qaramada Midoobe Baan kiin Muun, Ra’isulwasaarihii xiligaasi ee Ingiriiska David Cameroon oo kursiga ku cusbaa, Madaxda waddamada ay ciidamadda ka joogaan Soomaaliya iyo wafuud kale oo caalami ah.

Waxaa looga hadlay qodobada dhowr ah oo muhiim ahaa marxladii Soomaaliya markaasi ku jirta ee ku mel garaka aheyd waxaana mid ahaa.

  • Soomaaliya sida ay ugu baxayso KMG iyo horumarada shirarkii Road map ka
  • Dagaalka lagu jiray Kooxaha Argagixisada ahaa iyo guulaha la gaaray Howlgalka AMISOM
  • Dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka Burcad badeedda
  • Xaalada bani aadamnimo ee Soomaaliya

Ra’iisal Wasaare Cameron kaalmo dhaqaale oo gaareysa 51 Milyan Pounds kaga dhawaaqay shirka markii uu soo idlaaday shir jaraa’id oo ay wada qabteen Ra’isulwasaarihii dowladdi KMG Cabdiwali gaas oo hadda madaxweyne ka ah dowlad gobolleedka Puntland , lacagahaasi Dowladda Britain waxa ay sheegtay inay ku taageerayso dowladdii ku meel gaarka aheed oo markaasi ku jirtay u diyaar garowga doorashadii sannadkaasi dhacday ee lagu doortay madaxeynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Sannad kadib shirkaasi ka bixidii marxaladii dowladdii ku meel gaarka iyo billo yar un ka dib sannad jirsigii dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelatay ayaa lagu qabtay 7 dii may magaalada London oo ahaa shirkii 2_aad ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya waxaana ka qeyb galay madax ka badan 50 dal oo Caalamka ka mid ah waxaana uu ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee heer caalami ah ee loo qabtay Soomaaliya

Si wadajir ah waxaa  u shir Guddoomiyay Madaxweynihii xiligaasi Xasan Sheeh Maxamuud iyo raislwasarahii waqtigiisi ee Ingiriiska David Cameroon

Shirkaasi waxaa dhaqaale badan loo deeqay  geedi socodka nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaana mid ahaa dalalkaasi Britain oo ku yaboohday lacag gaaraysa 50-milyan oo doollar 15-milyan oo lacagtaasi ka mid ah waxa ay u qoondeysay  dhismaha ciidanka Soomaaliya,. Dalka Mareykanka ayaa ku yaboohay 40-milyan oo doollar, Denmark ayaa ku yaboohay 75-milyan, Turkiga ayaa ku yaboohay 10-milyan oo dollar, halka  Qatar ayaa ku yahoobday 18-milyan oo doollar iyo dalal kale

Lacagaasi waxaa u jeedkoodu ahaa in Soomaaliya ay wax uga qabato 3 arrimood oo kala ahaa

  • Amniga
  • Cadaalada
  • Iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha

Sidookale  shirkaasi waxa la iksula soo qaaday wadda hadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland sidii looga mira dhalin lahaa .

waxyaabaha uu shirkan ugu duwan yahay kuwii hore waxaa kamid ah:

  • Soomaaliya oo la tagtay shirka qorshaha hormarinta Qaranka ee 3 sano ee soo socoto , si loo waajiyo kaalmada caalamiga ah..
  • Dhaqaalaha lagu taageerayo Soomaaliya in la marsiiyo qorshaha Qaranka
  • Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda oo la tagay qorshe mid ah
  • Taageerada caalamka ee dhismaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegeen amaanka marka la gaaro waqtiga loo cayimay inay ka baxaan ciidanka Amisom Soomaaliya

shirkan marka dhinaca  wanaagsan laga eego waxa uu muujinaya sida caalamku uu doonay inuu taageero geedi socodka nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya laakiin marka dhinaca kale laga eego caalamka waxa la isweydiinaya shirarkii badnaa ee loo qabtay Soomaaliya ee lagu qabtay dalka ingiriiska 3 jeer , Shirkii looga dhawaaqay New deal ka ee dalka Biljimka lagu qabtay 2013 kii iyo kii xigay isla new deal ka ee lagu qabtay Danmark iyo Turkiga kuwas oo lacago ku dhaw 2 Bilyan loogu deeqay Soomaaliya oo aanay Soomaaliya Badi ka faa’idaysan iyada oo dadka arimaha dhaqaalah falanqeeyo ay sheegayaan  lacagahaasi inaanay beesha caalamka u bxiin side la rabay Soomaaliyana aanay wax badan ka faa’iidin.

W/Q   Cabdishakuur Cali Axmed

Tel: 00252615639889

Email: [email protected]

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo la kulmay Wasiirka Socdaalka ee UK “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Shabeellaha Hoose oo gargaar gaarsiiyey dadka ay abaaraha saameeyeen ….

Next Post
Maamulka Shabeellaha Hoose oo gargaar gaarsiiyey dadka ay abaaraha saameeyeen ….

Maamulka Shabeellaha Hoose oo gargaar gaarsiiyey dadka ay abaaraha saameeyeen ....

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In