Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida lawada ogsoonyahay abaarahii ku dhuftay Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxa ay sababeen in qoysas badan ka soo barakacaan deegaannadooda, kuwaasi oo iminka ku nool kaamam ku yaala  Degmada Kaxda ee  gobolka Banaadir oo ay ku haysato xaalado dhanka nolosha ah .

Mar Wariyaheena Irshaad uu booqasho ugu tagtay kaamamka ay ku noolyahiin ee Waaxda Cumar Fiyaasko ee Degmada Kaxda ayaa waxa ay uga warrameen dareen iyo xaaladaha ay ku suganyahiin, iyagoo sheegay inay ka soo barakaceen abaar iyo dhibaatooyinka ay ku hayeen argagixisada Al-Shabaab oo xalahii iyo berahii ay noloshooda ku maarayn jireen ka barakaciyay.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Qoysaskaan ayaa waxaa qayb ka ah muwaadaniin u dhashay dalka Yemen kuwaasi oo ka soo barakacay   dagaaladii ka dhacay  wadankooda, waxaana mudo shan sano ah ay deegaan sanayaan

“ Waxaana  ku  noolnahay  Waaxda sadexaad ee Degmada Kaxda  waxaa  nahaysta dhibaatooyin dhinaca  nolosha ah, waxaa jeclaan lahayn in gargaar nala soo gaarsiiyo, nolol wanaagsan ma haysano, waan baahanahay,  waxaan halkaan ku noolnahay  5-sano  qaarkeen hal kaan waxaa ay  ku nooyahiin 2 sano, ma haysano  xarumo caafimaad   waxaa naga fog  goobaha caafimaadka waxaa aadnaa  xanaano oo ku taala km4”ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka ku nool kaamka.

Nolosheena  waa isku mid  waxaa na haysta deegaan la‘aan  waxaa halkaan ku noolnahay 20 Qooys,  Xukuumadda   waa  umahadcelinaynaa, Madaxweyne Farmaajo waxaa ka codsanaynaa in wax naloo qabto,  hay’adaha  samafalka   waxaan ka codsanaynaa inay gargaar na soo gaarsiiyaan” sidaasi waxaa sheegay qaar ka mid ah qooxootiga Yemaniyiinta  ah oo uwaramayay wariye Cabdiqaadir Yuusuf Irshaad oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamad Yuusuf Maxamad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweeyeen barakacayaashaa,  waxaana uu sheega inay jiraan baahiyo badan oo  dhinaca  nolosha ah oo haysta qoysaskan,  waxaana uu intaa ku daray in cudurka  shuban biyoodka uu ka dilaacay kaamamka.

Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in maamulka oo kaashinaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay  ku guulaysteen inay gar gargaar u fidiyaan  qaar ka mid ah dadkii uu soo ritay cudurka, uuna jiro qorshe caafimaad oo uu maamulka Gobolka u diyaariyay  barakacayaasha, waxaanna uu uga digay hay’adaha samalka inay iska fiirsadaan dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha ah,  ayna tahay inay ka jawaabaan baahiyahooda

Waxaa isa sii taraya tirada barakacayaasha ee soo gaaraya Degmada Kaxda waxii ka danbeeyay markii ay abaaraha ku dhufteen qaar ka mid ah gobolada dalka.

 

Previous Post

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo kaalin weyn ka gaysatay wareega 12-aad ee ololaha Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud

Next Post
Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo kaalin weyn ka gaysatay wareega 12-aad ee ololaha Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud

Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo kaalin weyn ka gaysatay wareega 12-aad ee ololaha Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In