Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 15, 2020
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Xudur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay maamulka Degmada, dhallinyarada, Cayaartoyda iyo bahda fanaaniinta.

Soo dhoweyn kaddib maamulka Gobalka iyo kan Degmada ayaa si wadajir ah Wasiirka iyo wefdigiisa ugu soo dhoweeyay Degmada, iyagoo sheegay inay ku faraxsanyihiin socdaalkooda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

“Anaga ka maamul ahaan waxan bixin doonaa goobtii xaruunta loogu dhisi lahaa dhallinyarada ay helaan fursado lagu horumarinayo waxayna u baahanyihiin in tababaro loo furo horyaalo kubada cagta iyo kubada kolleyga loo qabto xudur, waxaan ka dhisan kooxo badan oo cayaartoy ah, Wasiir waxan kaa codsanaynaa inaad wax ka qabato baahiyaha ay qabaan dhalliryarada iyo isboortiga degmada xudur” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka dhallinyarada ee Koonfur Galbeed ee soo gaaray Xudur.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cali dhuux ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto la kulanka dhallinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada si ay u dhageystaan baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan.

“Maanta waxan halkaan u imid in aan la kulano bahda dhallinyarada iyo cayaartoyda, waxaan ka xogwaresan doonaa horumarka ay sameeyeen, waxan qiimeyn doonaa baahiyaha ay qabaan, waxaan dhisi doonaa xarun dhaxal gal ah oo ay isugu yimaadaan dhallinyarada Degmada Xudur si fikirkooda ay isugu gudbiyaan su’aalona ay isku weydinkaraan isdhexgalna ay ugu sameeyaan” ayuu  yiri Wasiir Cali dhuux

Muddada ay joogaan Wasiirka iyo Wafdigiisa waxay qaban doona koob lagu dhiiri gelinayo Nabadda iyo isdhexgalka bulshada ku nool degmada Xudur.

Previous Post

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Ka Hadlay Xaaladda guud ee Amniga Dalka

Next Post

Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Next Post
Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In