Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), laga soo bilaabo markii la daahfuray ilaa sannadka 2024. Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay dalkii sameeyay horumarka ugu weyn dhammaan dalalkii la qiimeeyay muddadaas.

Sida ku cad warbixinta ITU ee soo baxday bishan Maajo 2026, dhibcaha guud ee Soomaaliya ee Tirakoobka Xeer-nidaaminta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa ka kacay 0.0 sannadkii 2007 ilaa 77.5% sannadkii 2024, taasoo ka dhigan koror dhan +77.5 dhibcood. Soomaaliya ayaa gashay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee lagu xusay inay horumarka ugu badan ka sameeyeen dhanka dib-u-habeynta nidaaminta Isgaarsiinta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Isbeddelkan waxaa horseeday dib-u-habeyno la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) sannadkii 2018, iyadoo lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Warbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da waa mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee ITU u adeegsato cabbirka heerka horumarka nidaamyada maamulka ICT-da ee 194 dal.

Horumarkan ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu daray heerka nidaaminta ee Jiilka 3-aad (G3) ee ITU, kaas oo lagu tilmaamo heerka “kobcinta maalgashiga iyo helitaanka adeegyada.”
Isagoo ka hadlayay warbixintan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh.

“​Aqoonsigani wuxuu ka tarjumayaa dadaalladii Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa Isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda. In laga soo gudbo dhibco eber ah lana gaaro kaalinta dalalka ugu sareeya ee sare-u-kaca sameeyay adduunka waa tallaabo muhiim ah, balse mudnaanteennu weli waxay tahay xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada iyo adkaynta ilaalinta xuquuqda macaamiisha.”

“Warbixintan waxay marqaati u tahay dadaallada DFS ee daneeyayaasha qeybaha isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, shirkadaha isgaarsiinta, iyo saaxiibbada caalamiga ah ee sii wada taageerada isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.”

Tan iyo sanadkii 2019, HIQ waxay dejisay isla markaana hirgelisay xeer-nidaamyo sharciyeed oo dhammaystiran, kuwaas oo lagu diyaariyay hannaan wadatashi oo daahfuran. Kuwaas waxaa ka mid ah nidaamka mideysan ee ruqsad-bixinta, xeer-nidaaminta isku-xirka shirkadaha Isgaarsiinta, nidaamyada maaraynta hirarka iyo qorshaha qaran ee hirarka isgaarsiinta, habraacyada tayada adeegyada iyo ilaalinta macaamiisha, iyo sidoo kale nidaamyada lambaraynta iyo istiraatiijiyadaha horumarinta teknoolojiyadda cusub si loo helo kaabayaal waara oo la isku halleyn karo.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Next Post

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Next Post
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In