Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Sanadlaha ah ee Horumarka Dhaqaalaha Soomaaliya oo la soo saaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Warbixinta Sanadlaha ah ee Horumarka Dhaqaalaha Soomaaliya oo la soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ayaa sanadkaan diiradda lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinkii iyo caqabadaha ay leedahay Isbeddelka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan ka saamaysay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediyey shirkaan lagu soo bandhigay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2024. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyadoo sidoo kalena guullo waa wayn ay ka samaysay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Warbixintiisa 9-aad taasi oo lagu soo bandhigay sidoo kalena lagu gorfeeyay halista isbeddelka cimilada iyo sida ay Soomaaliya samayn dhinacyo kale duwan ah ugu yeelatay. Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo ka dhashay xiisadaha Gobolka gaar ahaan Badda Cas, dagaalka Ukraine iyo cimilada kulalanaysa”,ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbixinta la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka uu soo bandhigay ayaa lagu xusay in korarka dakhliga gudaha uu kordhay sanadkaan boqolkiiba 3.7% halla Warbixintu odorastay in sanadka 2025 uu kordhayo boqolkiiba 3.9%. Sanadkii hore 2023 ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbxinta inuu boqolkii 3.1% korar ah uu sameeyay dakhliga halka 2022 uu gaaray boqolkiiba 2.4%. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuucda kale ee muhiimka u ah Nidaamka Guud ee Maamulka Maaliyadda taasi oo keentay korar dakhliga gudaha.

Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qiimayo heerka xaalada horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo caqabadaha jira,sida loo dhaqangeliyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha kale ee muhiimla ah u ah Maaliyadda Guud.

Previous Post

Federal Government of Somalia Affirms Progress in Counterterrorism Efforts Amid VOA Disinformation Targeting Somalia

Next Post

Xubno ka tirsan guddiyada haweenka labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo gaaray Kismaayo

Next Post
Xubno ka tirsan guddiyada haweenka labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo gaaray Kismaayo

Xubno ka tirsan guddiyada haweenka labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo gaaray Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In