Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Xue Bing oo dhambaal ka siday Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino guddoonsiiyay tartameyaal ku guuleystey tartanka Quraanka Kariimka ee bisha Ramadan.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka dastuurka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay wajiga 2aad ee adeegga 5G, oo ay Shirkadda Hormuud ka hirgelisay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida Senator Cabdirisaaq Cismaan Xareed oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Moscow oo dad badan oo rayid ah lagu dilay.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomey danjireyaasha dalalka Turkiga, Kuuriyada koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiaha cusub ee Turkiga u soo magacaabey dhowaan Soomaaliya Mudane Alper Aktas, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda afurka is- aragga xukuumadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

10- Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, laguna saleynayo qorshaha xukuumadda ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

13- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay muhimadda ay leedahay in la sameeyo shuruucda lagu hagayo doorashooyinka si looga hortago hubanti la’an siyaasadeed oo dalka ku habsata.

14- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay ergada gaarka ah ee Ololaha Doorashada hoggaanka Guddiga Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay Xildhibaanad Fowsiya Xaaji Aadan.

15- Golaha Wasiirrada ayaa kulankiisii toddobaadlaha waxaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

16- Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala wareegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka KMG ah, soo-jeedimaha nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka.

17- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadan awgeed cafis u fidiyay 116 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

18- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galay banaanbax ay dhigeen shacabka Muqdisho oo ay ku taageerayaan dhamaystirka Dastuurka.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyaq Mudane Biixi Imaan Cige ayaa furay u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Horumarinta Afrika, kaas oo dib loogu eegayo mashaariicdii uu Bankiga ka fuliyay dalka intii u dhexeysay 2022- 2024.

20- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Soomaaliya.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo gobolka Shabeelaha Hoose ka sameeyay hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo Khawaarijta.

22- Kulanka Habeenka Qurbe Joogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo diblomaasiyiin ayaa lagu qabtey qabtay Muqdisho.

23- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

24- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

25- Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ku tegay xeryaha ciidanka iyo furimaha dagaalka ee gobalka Shabeellaha Hoose.

26- Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa Dekadda Weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug mukhaadaraad ah.

27- Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa 10 sano xabsi ah ku ridday Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ee Degmada Afgooye oo lagu helay inuu Khawaarijta kala shaqeynayay dhanka xogta iyo sirdoonka.

28- Wasiir Ku-Xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Xassan Maxamed ayaa Dalka Tanzaaniya uga qaybgalay shirka horumarinta jorumarinta siyaasadda  caafimaadka ee Afrika.

29- Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukun 10 sano ah ku riday, Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge oo lagu helay ka mid ahaanshaha iyo la shaqeynta Khawaarijta Al Shabab.



Previous Post

Shil gaari oo sababay dhimasho oo ka dhacay Isgoyska Jubba

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In