Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway kula hadlayey magaalada Oslo, ayaa ka warbixiyay xaaladaha siyaasadda, dagaalka Khawaarijta, arrimaha dastuurka iyo dib u dhiska dalka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Mudane Jonas Gahr Støre, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada da.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah u shir u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furmay magaalada Oslo.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga boqortooyada ee Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida ee ay inaga caawiyaan dowladaha Saaxiibada nala ah.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah furay kulan lagu soo bandhigayeey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadihii iyo daadadkii El-Niño ee sannadkii hore.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kulan magaalada Kismaayo ee Jubbaland ay ku yeesheen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Jubaland.

8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay dagaalka ka dhacay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.

9- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalim Maxamuud,ayaa kulan foggaan arag ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada, kulankaas oo bilow u ah bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee Dastuurka KMG ee lagu sameynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

10- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan magaalada Geneva  kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

11- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey Taliska Qeybta Guud ee Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

12- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norway.

13- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osmaan Cigaal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ambassador, Pier Mario Dacco’ Coppi.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Jihaynta Nidaamka Maareynta Maaliyadda,Kheyraadka iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.

15- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Mudane Towfiiq Binu Fowsaan.

16- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxamaan  Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay laakiin hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

17- Wasiirka Isgaarsiinta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah magaalada Nairobi uga furay shirka xoojinta Mashruuca Iskuxirka Digitalka ee Bariga Afrika.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa shir guddoomiyay shir ay yeesheen xubnaha guddiga oo looga hadlayey diyaargarowga xuska maalmaha qaran.

19- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee Waqooyiga Galgaduud.

20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa helay meydad hor leh oo Khawaarijta Al Shabab looga dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

21- Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyeey 19 eedeysane oo loo heysto in ay baraha bulshada ku faafiyeen hadallo kicin bulsho ah iyo falal kaloo dhaqankeenna lid ku ah.



Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo ka qeybgalay Xaflad ay ku Qalin badasheen Arday Soomaaliyeed 

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay James Swan

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay James Swan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay James Swan

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In