Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 hours ago
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee

Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib markii uu dalka Qatar uga soo qeybgaley Madasha Dooxa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha guddigan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Samafalka {International Rescue Committee (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo laga soo hormariyey waqtigeeda.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka, isaga oo xusay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka u qaabilsan Mudane Makhail Golovanov.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda iyo Iscafinta Adduunka Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Xuquuqda aadanaha.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad walba dunida laga xuso 10-ka December.

18- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

19- Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo Kormeer ku tagey Degmooyinka Gobalka Banaadir, halkaas oo ay ka socoto qaadashada kaarka cod bixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

20- Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, saraakiil isugu jirta Xoogga Dalka, Hawlgalka AUSSOM iyo mas’uuliyiin ka socota Safaaradda Turkiga oo ka qeyb galay xarig jarka Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib loo dhisay kadib markii ay burburiyeen cadowga Khawaarijta ee Al Shabab.

21- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

23- Wasiirka Amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala wareegay Hey’adda UNDP gaadiid loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

24- Wasiirka Warfaafinta oo tacsi u diray qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Xuseen Axmed Qoryooley oo hore u soo noqday Agaasimihii Radio Muqdisho.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli.

26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, halkaas oo uu warbixn kaga dhegeystay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabril Ibrahim Cabdulle.

27- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa daah furay Shirka Madasha Madaxda Shirkadaha Soomaaliyeed iyo Maalgashadayaasha Caalamiga ah.

28- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa magaalada Algiers kula kulmay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Algeria, Ali Zerrouki, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhijitaalka, hal-abuurka tiknolojiyadda iyo kaabayaasha ICT-ga.

29- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa la kulmey dhigiisa Azerbaijan, Mudane Farid Gayibov, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada.

30- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.Cali Xaaji ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Amb. Abdullahi Al-Otaibi.

31- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashir Mohamed Jama, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Heer Wasiireed ee Cimilada & Hawada Nadiifta, oo ka dhacay magaalada Nairobi.

32- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Marwo Maryama Maxamed Xuseen ayaa Muqdisho ka daahfurtay tababar ku saabsan ka hortagga, sahminta, daraaseynta iyo xakamaynta cudurrada faafa.

33- Wasiir Ku-Xigeenka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Maareynta Kaluumeysiga (Fisheries Management and Value Chain Integration Project).

34- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ciraaq, Danjire Ridwaan Hirsi Maxamed, ayaa ka qayb galay kalfadhiga 28-aad ee Golaha Wasiirada ee Dalxiiska ee Carabta, oo ay martigelisay caasimadda Baqdaad, isagoo oo wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

35- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xarigga ka jaray dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Booliska oo lagu kordhiyay xarunta lagu barbaariyo carruurta Booliska.

36- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa daahfuray Hogaanka Baarista Dambiyada Ciidanka Asluubta.

37- Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 15-aad ee Golaha Guud ee Ururka Hantidhowrrada Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah.

38- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo oo dhan hal million oo dollar oo ay Dowladda Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.

39- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV.

40- Hay’adda NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fulisey hawlgal ka dhacay tuulada Biyo Madoobe ee Hiiraan, Waxaana lagu dilay 7 ka tirsan Khawaarijta, islamarkaana burburiyay gaari xamuul ahaa oo siday rasaas badan.

41- Hay’adda NISA ayaa hawlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul ee degmada Afgooye.

42- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen degaanka Towfiiq oo u dhow Tooratoorow, Gobolka Shabeellada Hoose.

==========DHAMMAAD============

Previous Post

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Next Post

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Next Post
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib markii...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In