RADIO MUQDISHO:-Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada Muqdisho, isagoo ku boorriyay inay qaataan kaarka codeynta si ay uga qeyb qaataan doorashada loo qorsheeyay inay dhacdo 25-ka bishan.
Kulanka Raโiisul Wasaare ku-xigeenka XFS waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) iyo masuuliyiin kale.












