Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada, isagoo ka dhegeystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Al-Shabab

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson. Waxaana uu Madaxweynaha kulankaasi ku soo bandhigay talaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Khawaarijta Al Shabab.

Related posts

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026

3-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tegay Xerada Tababarka Ciidanka ee Turki-Som, oo lagu tababaro qeybo kala duwan oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo madaxweynaha Kenya William Ruto kala hadlay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaariijta, kadib kulan ka dhacay magaalada Daressalam ee dalka Tanzania.

6-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Ergeyga Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ee Geeska Afrika Mohamed Abdi Affey.

7-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Daressalam kula kulmay  Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

8-Xildhibaanada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023-ka.

9-Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada oo looga hadley xaaladda amniga dalka, isla markaana lagu meel mariyay ilaa iyo 5 hindise sharciyeed.

10-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Ruushka Timur Igorevich Maksimov oo kala saxiixday heshiis ay Russia kaga cafisay Soomaaliya deyn gaareysa 684 milyan oo dollar.

11- Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Talyaaniga ayaa magaalada Rome ku kala saxiixday heshiis iskaashi iyo taageero la siinayo Soomaaliya.

12-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay $75 million oo dollar oo Bankiga Adduunka meel mariyey si loogu kabo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya, loona dhiirigeliyo dadaalada kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda.

13-Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa Baarlamanka Federaalka  uga warbixiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiiskan.

14- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa saxiixay Siyaasadda Qaran ee Hubinta Da’da Carruurta.

15-Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa inta u dhexeysa Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud ka fuliyay hawlgal milateri oo lagu baacsanayo Khawaarijta, waxaana halkaasi lagu dilay in ka badan 100 ka mid ah Khawaarijta, laguna burburiyay gaadiid iyo qalab kale oo cadowga uu lahaa.

16-Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo bilaabay ka doodista heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka.

17-Dhegeysiga dacwadaha musuqmaasuqa ee loo haysto hawlwadeeno ka tirsan dowladda oo weli ka socda Maxkamada Gobolka Banaadir.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) oo ka qeybgaley shaacinta natiijada imtixaanka Fasalka 8aad ee sannadka 2022/2023.

19- Wasiirka Amniga Soomaaliya Dr Maxamed Sheekh Cali oo hortagay Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

20-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer shaqo ku tagay xerooyinka General Daaud iyo General Dhegabadan oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

21-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa daah furay munaasabadda xuska Toddobaadka Naas-Nuujinta Adduunka.

22- Taliyeyaasha ugu sarreeya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan looga hadlay qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha September ee soo socota.

23- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in burburinta dhisma diblomaasiyadeed oo ku yaalla Muqdisho ay ka dhalatey codsi ka yimid Dowladda Talyaaniga oo dhulkaasi mulkiyad sharci ah u leh.

24-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa hawlgal ka fuliyay Ceel Dhuun oo ka tirsan degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab.

25-Wasiirka Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir oo kulan la yeeshay Ergeyga Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) Maxamed Cabdi Afey.

26- Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa  kaluumeysato ajnabi ah ku xukuntey midkiiba lacag dhan $12000 oo dollar, isla markaana lala wareegi doono doomihii ay ku kaluumeysanayeen.

27-Kulanka seddax biloodlaha ah ee isku duwidda howlaha caafimaadka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,waxana looga hadlayaa horumarinta caafimaadka dalka.

28-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargelinta amniga caasimadda.

29-Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim  ayaa xaqiijiyey in 14 sarkaal loo xiray baaritaanka qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

30-Dowladda Soomaaliya oo dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada Laas caanood.

 



Previous Post

Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Arrimaha Gudaha ee XFS oo ka wada hadlay doorka shaqo ee ay wadaagaan

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay afur wadareed loo sameeyay carruurta agoonta Qaranka

March 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay kulan affur wadareed loo sameeyay carruurta...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In