Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Urur Goboleedka IGAD oo Shir Madaxeedkii 42-aad ku qabtey magaalada Kampala, ayaa si adag u taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Somalia, isla markaana wax kama jiraan ka soo qaadey heshiiska sharci darrada ah oo ay Ethiopia la gashey maamulka Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns, oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.

Related posts

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

October 17, 2025
Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khawaarijta iyo Dowladda Ethiopia aya labaduba yihiin cadow duulaan ku ah madaxbanaanida, iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dalkooda difaacan doonaan.

4- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtey kulamo ku saabsan dhameystirka hawlgalada milateri ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

7- Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabooyinka ay Ethiopia waddo ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo caalamka intaba.

8- Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Ethiopia ku faragelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Ariimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegay in Ethiopia ay noqotay isha hagardaamada iyo colaad hurinta ee gobolka.

10- Waddamada Qatar iyo UAE ayaa taageeray dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

11- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia la saxiixatey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12- Qaar kamida odayaasha dhaqanka ee deegaanka Sheekh Awaare ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya.

13-Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa cambaareeyay falalka guracan ee lagu bartilmaameedsaday suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Somaliland, kadib markii dhowr weriye lagu xiray Hargeysa.

14- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la qaatay maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

15- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Danjiraha India marwo Namgya C. Khampa ayaa ka wada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafimaadka labada dal,iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadleyaasha caafimaadka.

16- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda farsamadaย  Warbaahinta Qaranka.

17- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray amniga dalka.

18- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

19- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso faragelineyso qaranimada Soomaaliya.

20- Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa la horgeeyey eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuq, kuwaas oo ka kala tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.

21- Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sanno ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

22- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

Previous Post

Farriin ku socota kooxaha khawaarijta

Next Post

Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

Next Post
Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ”-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐ž๐ž๐ฌ๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š.

October 17, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika,...

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

Masar iyo Soomaaliya oo kawada hadlay arrimo muhiim ah..

October 17, 2025
0

ALi SHiGaL: Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa...

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

Muqdisho oo lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo lagu taageeraayo xildhibaanada cusub

October 17, 2025
0

Qaar kamid ah Wasiirada XFS iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanada Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho sharaf ah...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo ku howlan dib u dhiska xeryaha iyo awoodsiinta ciidanka

October 17, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub oo gacan ka helaya heyโ€™adaha maalgalinta ee ururkaasi ayaa ku howlan dib u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In