Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

Ali Ahmed by Ali Ahmed
1 year ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Jimco, 27-ka, December, 2024

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib kulan miradhal ah oo uu magaalada Asmara kula soo yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey kaalintooda ku aaddan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Kamel Badari iyo wafdi uu hoggaaminayo.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidankaasi.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in 56-sanno, kadib, dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhaceyso, wuxuuna ciidamada BooliIska Soomaaliya ku boorinyeey in ay adkeeyaan amniga iyo nabad galyada muuwaadiniinta codeyneysa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirrada.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo farey inay degdeg uga hawlgalaan hirgelinta doorashooyinka.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad guurada 81aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagey Wasaaradaha, Qorsheynta Qaranka, Ganacsiga iyo Warshadaha, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maaliyadda, iyo Bankiga Dhexe halkaasina warbixin kaga dhageystay madaxda hay’adahaasi.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanad guuradii 81-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed u diray guud ahaan Ciidamada Booliiska.

12- Ciidamada Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ay fuliyeen ku dilay Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdiraxmaan) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

13- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa booqday dugsiga tababarka ciidamada ee degmada Garbahaarey, isagoo ku guda jira booqaso shaqo oo uu ku joogo Gobolka Gedo.

14- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka uga qeybgalayay salaadda janaasada Sheekh Muuse Nuur Sheekh Muuse Cadde oo dhowaan geeriyooday.

15- Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada haweenka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ka daahfuray kulan lagu soo bandhigay Qorshaha Istaraatiijiyadda Hannaanka Dhab-u-Heshiinta ee Qaran.

18- Dawladda Soomaaliya ayaa si’ adag u cambaaraysay fal xadgudub ah oo ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya.

19- Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in Eadeysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacay tacadiyo ka dhan ah shacabka degaannada Jubbaland ku dhaqan .

20- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kulan muhiim ah kula yeeshay Dr. Badr Abdel Aty Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar.

21- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Maxamed Aadan Macallin ayaa ka qeybgaley shirka sannadlaha ee xirfadleyda tiknoloojiyadda oo lagu qabtey Muqdisho.

22- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.

23- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray deegaanka Xawaadley Gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

24- Horjooge Dooyow Cismaan Cali oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

25- Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulamo wadatashi la yeeshay qaar ka mid ah laamaha dowladda, culumaa’udiinka iyo ururrada bulshada , iyagoo kala hadlay doorka kaga aaddan arrimaha doorashooyinka .

26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Akadeemiyada ee Generaal Kaahiye tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliiska.

27- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wadahadal khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner.

28- Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay nin loo heysto inuu dil u geystay L/Xidigle Xasan Quuri oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, qeybta Galmudug.

29- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa magaalada Addis Ababa kulan laba geesood ah kula yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

 

========DHAMMAAD=========

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qabatay kulan la xiriiray falanqeynta baaqii Ankara

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xeebta Liido waqti kula qaatay Shacabka Caasimadda

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xeebta Liido waqti kula qaatay Shacabka Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Xeebta Liido waqti kula qaatay Shacabka Caasimadda

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In