Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

Ali Ahmed by Ali Ahmed
1 hour ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026
 
1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
 
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa wada-hadallo qoto dheer ku yeeshay magaalada Istanbul.
 
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
 
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qaar ah la qaatey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, isagoo kala hadlay ilaalinta gobannimada dalka iyo ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah Soomaaliya.
 
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka, ayaa kulan la qaatay, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.
 
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay, doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Degaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir oo 25-kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.
 
7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay kacdey Israel.
 
8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarunta madaxtooyada kula yeeshay madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.
 
9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim binu Xamad.
 
10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya iyo Tanzania.
 
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka Heritage ee magaalada Dhuusamareeb ayaa si cad u qeexay mowqifka Soomaaliya ee xadgudubka Israel ee madaxbanaanida Soomaaliya.
 
12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Dhuusamareeb uga furay Shirweynaha Sagaalaad ee Machadka Cilmi-baarista Heritage.
 
13- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil.
 
14- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
15- Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey diidmada iyo ka hortagga xadgudubka Israel ee madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
16- Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa ku aaddan xadgudubka Israel ee ka dhanka ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
17- Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.(EAC) ayaa si cad u taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
18- Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaciyay in Ciidamada Qaranku ay howlgalka Seefta Qarsoon ku xoreeyeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
 
19- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Namibia, Marwo Selma Ashipala-Musavyi.
 
20- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa, Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya.
 
21- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdel-Atty.
 
22- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa, Comoros Mudane Mbae Mohamed.
 
23- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Koonfur Suudaan, Mudane Monday Semaya Kenneth Kumba.
 
24- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Nasiib Buundo, qeybteeda degmada Shibis.
 
25- Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee xilka loo magacaabay, Mudane Cabdulqaadir Cilmi.
 
26- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil inay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
27- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Cali Cabdi Awaare ayaa khudbad adag ka jeediyay, kulan degdeg ah oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayey tallaabada sharci-darrada ah ee Israel ee ka dhanka ah Soomaaliya.
 
28- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa si rasmi ah u daah-furay banbax lagu diyaarinayo Qorshaha Waxqabad 2026 ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo uu halku dhigiisu ahaa (Adeeg Bixin Sahlan, Hufan, oo Tayo Leh).
 
29- Bannaanbaxyo loogu soo horjeedo faragelinta ka dhanka ah Israiil ayaa ka dhacey Magaalooyinka Muqdisho, Galmudug,Hirshabelle, Koonfuur Galbeed iyo Waqooyi Bari.
 
 
==========DHAMMAAD============
Previous Post

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

January 2, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026   1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u...

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

January 2, 2026
0

Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan la xiriiray dardargalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda Dalka Soomaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In