Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
January 24, 2024
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa kulan ku yeeshay magaalada Qaahira, waxayna si wadajir ah uga hor yimaadeen xadgudubka Ethiopia ay ku hayso qaranimada Soomaaliya.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masara Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo una difaacayo Somalia kadib xadgudubka ay ku kacdey Ethiopia ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay in xadgudubka ay ku kacdey Ethiopia uu fursad siinayo argagixisada Khawaarijta sii liicaysa.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, isagoo ku bogaadiyay go’aanka Jaamacadda Carabta ay ku taageerta dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalin jebinayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun oo ka dhacdey magaalada Dooxa.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaali Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Al-Azhar Sheekh Axmed El-Tayeb.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ay qaranka u xilsaaran tahay wasaaraddaasi, ka dib geeridii Wasiirkii hore (AUN) Khadiija Maxamed Diiriye.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir uu isugu yeeray madaxda hay’adaha amniga oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.

13- Golaha Wasiirrada oo soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka ururka dalalka ku bahoobay G — 77 iyo China.

15- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay taageerada dalalka caalamka ee qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed.

16- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hawada Soomaaliya dib uga celisay diyaarad ka diiwaan-gashan dalka Thailand oo aan haysan fasax duulimaad taas oo ku socotay magaalada Hargaysa ee waqooyiga Soomaaliya.

17- Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay is afgaradka sharci daradda ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee Soomaaliya uu halis ku yahay nabadgalyada Geeska Afrika iyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al Shabab.

18- Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022-ka.

19- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan ayaa magaalada Riyadh Boqortooyadda Sacuudiga kulan kula qaadatey Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan Bin Abdirahman Al-Marshad.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Taageerada Doorashooyinka ee Midowga Yurub oo ay ka wadahadleen barnaamijyada qabashada doorashooyinka.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta dalka ugu hambalyeeyay Maalinta Warfaafinta ee 21 Janaayo, Isaga oo ku bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

22- Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ku baaqay in loo midoobo xaqiijinta amniga iyo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas Khawaarijta Al Shabab ka soo barakiciyeen degaanka Caad ee gobolka Mudug.

24- Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ka dhacay degaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

25- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa hawlgalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dilay 4 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

26- Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

27- Baarlamaanka Carabta ayaa si cad u taageeray, qaraniimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku dhaqaaqdey Ethiopia.

28- Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano ka tirsan Gobalka Bay ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.



 

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo jab ba’an gaarsiiyay khawaarijta 

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dowladda Ruushka kala wareegay Markab siday mucaawino 

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo dowladda Ruushka kala wareegay Markab siday mucaawino 

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo dowladda Ruushka kala wareegay Markab siday mucaawino 

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In