Wareegga 8 dhamaadka tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka oo la sameeyay “SAWIRRO”

Tartanka kubadda Cagta degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2021 oo si habsami leh uga socdo Muqdisho ayaa waxaa la soo gabo gabeeyay wareegga group-yada.

Xulka Degmada Dharkeenleey ayaa 2-0 uga badisay dhigooda Degmada Howlwadaag halka Degamda Shibis ay 9-1 uga badisay dhigooda Degmada Wadajir.

Group D: waxaa kaalinta koowaad kusoo baxday Degmada Shibis oo faraqa goolasha uga wanaagsanayd degmada Dharkeenleey oo 2-aad kusoo baxday.

Kala sarreynta Group D.
1- Shibis 4 kulan 9 dhibcood
2- Dharkeenleey 4 kulan 9 dhibcood
3- Howladaag 4 kulan 6 dhibcood
4- Wadajir 4 kulan 4 dhibcood
5- Waaberi 4 kulan 1 dhibic.
waxaa maanta lasoo gebogabeeyay wareegga group-yada ee tartanka
Jadwalka wareega 8da

Khamiis: 16/12/2021 Shingaani vs Xamar Jajab.

Jimco 17 /12/2021: Deyniile vs Dharkeenleey

Sabti 18/12/2021 Kaaraan vs Warta Nabadda

Axad 19/12/2021 Shibis vs Yaaqshiid

Dhammaan kulamada waxay ka dhici doonaan garoonka Injineer Yariisow.

Live Stream

Wararka Raadiyaha

News In English

Kubiir Asxaabteenna

Shaqooyinka