Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha naxariisto, waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Cowke oo ka mid ahaa wariyeyaashii ugu caansanaa dalkeena.

Axmed Xasan Cowke ayaa u geeriyooday xanuun, sida ay  walaashii Canab Xasan Cowke u sheegtay BBC.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Marxuumka ayaa ka shaqo billaabay Radio Muqdisho billowgii toddobaatameeyadii, wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay Telefishanka Qaranka, isagoo noqday wariyaha gaarka ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda.

Burburkii kaddib, wuxuu Marxuum Cowke la shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC iyo waliba VOA, isagoo sidoo kale ka shaqeeyay qaar ka mid ah telefishannada Soomaalida sida Universal, HCTV iyo SNLTV.

Muddooyinkii dambe, wuxuu Marxuum Cowke ku noolaa magaalada Hargeysa. Axmed Xasan Cowke, wuxuu caan ku ahaa barnaamijyada madadaallada ah, akhrinta warka iyo waliba soo saarista barnaamijyada. Si gaar ah waxaa loogu xasuustaa barnaamijyadii Faallada warka ee Raadiyo Muqdisho.

Radio Muqdisho, wuxuu idiin soo gudbin doonaa barnaamijyo gaar ah oo ku saabsan wariye Cowke oo ka mid ah howl-wadeennadii ugu caansanaa ee ka howl-gala warbaahinta dowladda.

Previous Post

Beelo lagu heshiiyay Jowhar

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Axmed Xasan Cawke -DHAGAYSO

Next Post
Wasiir Maareeye: “3-da May awgeed waxaan hambalyo u dirayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed”

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Axmed Xasan Cawke -DHAGAYSO

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In