Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wariye Iyo Xaaskiisa Oo Xalay Beydhabo Lagu Dilay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa xalay lagu dilay wariye ka shaqeynayay idaacad ku taalla magaaladaasi iyo xaaskiisa.

Dhagar qabayaasha sida arxan darada u dilay Wariyaha iyo Xaaskiisa ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay gudaha u galeen hoyga uu deganaa wariyaha, oo ah Xaafadda Bardaale ee magaalada Beydhabo, waxaana la tilmaamay in ay halkaasi ku toogteen isaga iyo xaaskiisa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Cali Cumar, waxaana uu ka shaqeynayay Radio Baydhaba, iyadoo goobta ay ka baxsadeen Dhagar qabayaashii ka dambeeyay Dilka.

Xaafadda dilkaan uu ka dhacay oo lagu magacaabo Berdaale ayaa ciidamada ammaanka ee ku sugan xarunta gobolka Bay ee Beydhabo waxa ay howlgalo ka wadaan xaafadaasi oo lagu baadi goobayo dhagar qabayaasha ka dambeeyay Dilka Allaha u naxariistee Daa’uud Cali Cumar .

Falkani guracan ee lagu beegsaday Wariyaha iyo xaaskiisa ayaa ku tusaya dhibaatada umadda Soomaaliyeed ay ku hayaan Kooxda Gumaadka umadda Soomaaliyeed ee UGUS, waxaana markii ay ku jabeen Howlgalada Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan dalka kooxdaasi ay cara kala dul dhaceen dadka waxgalka u ah bulshada mar haddii aysan u babac dhigi Karin awoodooda Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka Wadatashiga Soomaaliya OO Goor dhow ka Furmaya Garoowe

Next Post
Shirka Wadatashiga Soomaaliya OO Goor dhow ka Furmaya Garoowe

Shirka Wadatashiga Soomaaliya OO Goor dhow ka Furmaya Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In