Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wariye iyo Haweenay 4 Canug  umashay oo maanta la gaarsiiyay deeq lacageed”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdani lacageed ee maanta ay qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa banaan gaarsiiyen wariye Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim Iyeeyow oo gaaraysay kun iyo shan boqol ayaa lagu dabiibayaa cisbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho kaddib markii uu dhawaan ku soo dhawacmay qarax ka dhacay magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistan oo gobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kaalmadan lacagta ah ay tahay mid ay iska soo uruuriyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta gudaha iyo labo kale oo ku nool  dalka Netherland.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay dhiirogalin ay usameynayaan walaalkood ku dhaawacmay qaraxii Baydhabo ka dhacay, isla markaana ay Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaan inay dhexdooda isu gurmadaan.

Ehelada Saxafiga ku jira cisbitaalka Madiina oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay kaalmada lacageed ee ay soo gaarsiiyeen.

Dhanka kale Mas’uuliyiintan waxa ay deeq lacageed gaarsiiyeen hooyo Soomaaliyeed oo dhawaan afar carruur ah ku dhashay Cisbitaalka Masaarida ee Muqdisho, oo mid ka mid ah uu ka geeriyooday.

Agaasimha Radio Kumiye Abwaan Cabdullaahi Cismaan Guure ayaa guddoonsiiyay Faadumo Xasan Maxamed oo ah haweeneyda dhashay afarta carruurta ah.

Abuukar Albadri oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan hooyadaasi Soomaaliyeed oo ka soo jeedda qoys sabool ah, isla markaana ka timid dhul miyi ah.

Aabaha dhalay Faadumo ayaa uga mahadceliyay bahda Warbaahinta sida ay isugu xil qaameen inay kaalmadaan soo gaarsiiyaan.

DSC00092 DSC00094 DSC00104 DSC00105 DSC00110 DSC00112 DSC00115 DSC00130  DSC00145 DSC00146 DSC00147 DSC00148 DSC00149 DSC00153 DSC00156 DSC00158 DSC00160 DSC00161 DSC00162 DSC00182  MOV00085

Sawir Qaade: Aamino Xuseen Maxamed

Previous Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Horjooge sare oo Al-shabaab ah oo ay gacanta ku dhigtay dowladda Soomaaliya

Next Post

Horjooge sare oo Al-shabaab ah oo ay gacanta ku dhigtay dowladda Soomaaliya

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In