Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shebeelle oo caawa lagu dilay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariiste C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa wariyayaasha ka howlgala Idaacadda Shabeelle  ayaa kooxo hubeysan caawa ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” uu ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka.

Kooxo hubeysan oo watay Mooto Bajaaj ayaa la sheegay in ay wariyaha ku toogteen  meel u dhow gurigiisa oo ku yaala degmada Yaaqshiid.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Wariyahaasi,  isagoo sheegay in lagu raad joogo gacan ku dhiiglayaashi dilay Marxuumkaasi, wuxuuna tilmaamay in sharciga la horkeeni doono.

Sidoo kale wasiirka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladi, qaraabadi iyo asxaabti uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ay dishay gacan ka gardaran.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Previous Post

Daawo:Tababar ku saabsan sida looga faaiideysan karo nalalka ku shaqeeya cadceeda oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyey

Next Post

Jeneraal Saxardiid “Ciidanka ayaa biyo u dhaaminaya dadka ku nool deegaanka C/lle Biroole”

Next Post
Jeneraal Saxardiid “Ciidanka ayaa biyo u dhaaminaya dadka ku nool deegaanka C/lle Biroole”

Jeneraal Saxardiid "Ciidanka ayaa biyo u dhaaminaya dadka ku nool deegaanka C/lle Biroole"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In