Waxaa shalay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga ka furmay tababar heer caalami ah oo la xiriira warbaahinta kaasoo ay ka qeyb galayaan wariyeyaal ka socda Waraabinta Qaranka Soomaaliya.
Ilknur oo ah isku duwaha Barnaamijka Tababarka ayaa Wakaalada SONNA u sheegtay in 158 ruux oo ka kala socda 70 dal ay ka qayb galayaan tababarka, laguna baranayo mawduuca ah in Wax tayo leh la soo saaro ( Effective Content Production).
“Waxaan ku martiqaadnay 162 ka qayb-gele oo ka kala socda 70 dal, balse waxaa hadda yimid oo jooga 158, waxaa maqan ku dhawaad 5 ruux oo sababo farsamo dhanka duulimaadka ah inooga maqan, waxaana TRT ay la wadaagaysa waayo aragnimadooda ku aadan barnaamijkan”, Ilknur ayaa sidaa tiri.
Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’, Axmed Cali Kaahiye, Maxamed Abukar Ma’da iyo Maxamed Sheekh Abuukar ayaa ku matalaya Soomaaliya waxaana ay ka wada socdaan Warbaahinta Qaranka qeybaheeda kala duwan.