Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Ujeedada shirkani waxay ahayd in Wasaaradaha isku shaqada ah ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Cabdulaahi Sheekh Daahir, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sheekh Cabdullaahi/llaahi Cismaan, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Hirshabeelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Faarax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubbaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid Cabdullaahi Maxamed , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Maxamed Cabdiraxmaan Yabarow, Lataliyeyaasha Wasaaradda Isgaarsiinta, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood dheer ka dib waxaa Shirka 4-aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan:

1.Waxay Wasaaraddaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

2.Waxay Wasaaraddaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

3.Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah, lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

4.In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

 






Previous Post

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada Caafimaadka

Next Post

Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Serbia?

Next Post
Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Serbia?

Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Serbia?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In