Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 16, 2023
in Wararka
0
Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Ujeedada shirkani waxay ahayd in Wasaaradaha isku shaqada ah ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Cabdulaahi Sheekh Daahir, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sheekh Cabdullaahi/llaahi Cismaan, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Hirshabeelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Faarax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubbaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid Cabdullaahi Maxamed , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Maxamed Cabdiraxmaan Yabarow, Lataliyeyaasha Wasaaradda Isgaarsiinta, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood dheer ka dib waxaa Shirka 4-aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan:

1.Waxay Wasaaraddaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

2.Waxay Wasaaraddaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

3.Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah, lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

4.In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

 






Previous Post

Soomaaliya iyo Ethiopia oo iska kaashanaya horumarinta adeegyada Caafimaadka

Next Post

Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Serbia?

Next Post
Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Serbia?

Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Serbia?

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In