Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warmurtiyeedka Shirka Djibouti ee wadahadalada Dawladda FS iyo Somaliland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Warmurtiyeedka Shirka Djibouti ee wadahadalada Dawladda FS iyo Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayadoo laga ambaqaadayo dardargelinta Geeddi-socodka wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland ayaa waxaa shir socdey taariikhda u dhaxeysa 28 – 29 December 2023 isugu yimid dalka Djibouti laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha  Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdl isla markaana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane lsmaaciil Cumar Geelle.

Wadahadal iyo dood dheer ka dib waxay labada dhinac isla gaareen qodobada soo socda;

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

June 21, 2026
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026

1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna looga dhigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaaro xal-waara.

2. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

3. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaaray wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April 2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014), Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).

4. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii iyo burburkii dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somallland (gobollada Waqooyi) la sii adkeeyo ka garaabiddiisa.

5. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amnIga, la dagaallanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey’adaha u xilsaaran.

6. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad Iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

7. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda.

8. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya  waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane lsmaaciil Cumar Geelle, dawladda Iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan Madaxweynaha inuu arrintaas sii ambaqaado.

ALLAA MAHAD LEH

Previous Post

Xulalka kubadda cagta Galmudug iyo Hirshabeelle oo barbar dhac wada galay

Next Post

Xiriirka kubadda cagta JFS oo sheegay in dib loo dhigay jadwalka

Next Post
Xiriirka kubadda cagta JFS oo sheegay in dib loo dhigay jadwalka

Xiriirka kubadda cagta JFS oo sheegay in dib loo dhigay jadwalka

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore...

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

Muqdisho oo martigelisay munaasabadda “Mahadsanid Madaxweyne”

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In