Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda oo si adag loogu jawaabay Qoraaladii ka soo yeeray Beesha Calaamka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 15, 2021
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa si adag loogu jawaabay Qoraaladii ka soo yeeray Beesha Calaamka.

Warsaxaafadedka ayaa u qornaa sidan:-

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.

Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.

Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.

In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Next Post

Press Release: The Federal Government of Somalia stands by the decisions made by the Federal Parliament

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Press Release: The Federal Government of Somalia stands by the decisions made by the Federal Parliament

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In