Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warsaxaafadeed: Wasiirka Maareeye oo bogaadiyay Guulaha isdaba jooga ah ee ciidanka Xoogga dalka.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Warsaxaafadeed: Wasiirka Maareeye oo bogaadiyay Guulaha isdaba jooga ah ee ciidanka Xoogga dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ku hadlaya magaca Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kan Raysal Wasaaraha iyo xukuumadda, wuxuu ammaan, bogaadin iyo mahad balaaran u soo jeedinayaa saraakiisha iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya (SNA) Guulaha ay ka soo hooyeen hawlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada iyo casharada lama ilaawaanka ah ee ay u dhigeen, kuwaasoo isugu jiray:-

 Ka xoreynta Argagixisada ah degaanada ay ku dhiigmiiran jireen shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan sida Bariire, Sabiid, Caanoole iyo Awdheegle

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

 Jebintii weeraradii rogaal celiska ahaa ee todobaad gudihiis laba jeer lagu jebiyey, laguna laayey argagixiso badan.

 Adkeynta iyo xasilinta degaanada la xoreeyey, taasoo kor u qaaday kalsoonida shacabku ku qabaan ciidamada qalabka sida.

 Soocelinta adeegyadii bulshada ee argagixisadu burburisay sida waxbarashadii, masaajidyadii, caafimaadkii, nalalkii, biyihii iyo gargaarkii bini'aadnimo

Dhamaan arrimahan kor ku xusan, waxay cadeynayaan kartida iyo awoodda ciidamada SNA u leeyihiin in ay ka adkaadaan kooxaha argagixisada ah. Ciidamada SNA, waxay argagixisada siiyeen cashar cusub oo ay argagixisadu ku ogaadeen inaanay qabsan karin saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka SNA tiro kasto oo ay ku soo weeraraan sidii hore u dhacday dhowr jeer.

Sidii muddo badanba Dowladda Soomaaliya ay dalbanaysay, waxaan mar kale ku celinaynaa codsigeena ahaa in beesha caalamku siiso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya tababarka iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay Soomaaliya u nabadeeyaan, ugana sifeeyaan kooxaha argagixisada si

shacbiga Soomaaliyeed, Shucuubta dowladaha dariska ah iyo kuwa caalamkuba, ugu noolaadaan geeska Afrika si nabad iyo barwaaqo.

Dowladda Soomaaliya, waxay u mahadcelinaysaa dowladaha naga taageera Amniga iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya sida USA, Turkey, UK, EU, African Union Iyo kuwa kale.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhigiisa Jabuuti.

Next Post

Al-Bashiir oo maxkamad ka soo hormuuqday maanta.

Next Post
Al-Bashiir oo maxkamad ka soo hormuuqday maanta.

Al-Bashiir oo maxkamad ka soo hormuuqday maanta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In