Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warshad farsamada gacanta ah oo laga hirgelinayo xabsiga dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Warshad farsamada gacanta ah oo laga hirgelinayo xabsiga dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cadaaladda oo ay wehliyan taliyaha ciidanka Asluubta iyo xeer illaaliyaha guud ee Qarranka ayaa maanta dhagax dhigay warshada farsamada gacanta ee maxaabiista oo laga hirgelinayo xabsiga dhexe ee Xamar, taasi oo loogu talagalay inay wax ku bartaan maxaabiista xabsiga dhexe ku xiran.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac  ayaa tilmaamay in Warshadda ay wax ku baran doonaan maxaabiista, isagoo intaa ku daray in shan xirfadood lagu baran doono oo ay ka midtahay dhismaha guryaha, harqaanka, alxanka, sameynta qalabka xafiisayada iyo kuwa kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in 25 sano kadib la helo Warshad farsamo ay fursad siineyso maxabiista Xabsiga iyo Muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay saraakiisha xabsiga inay xoojiyaan dadaaalka la doonayo in maxaabiista wax la baro.

Xoghayaha guddiga cadaalada ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa ku booriyay Hay’adaha kale in si la mid ah Hormuud ay gacan uga geystaan dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Cadaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in nolol loo sameeyo bulshada lana baro xirfado ay ku shaqeystaan, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fursad u siineyso maxaabiista inay noqdaan dad xirfad leh oo shaqeysan kara.

Dhinaca kale Taliyaha Asluubta Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac, Gudoomiye kuxigeenka Guddiga arrimaha gudaha iyo ammniga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow iyo Xoghayaha guddiga Cadaaladda Xildhibaan Amiin ayaa kormeeray qeybta garsugayaasha ee Xabsiga dhexe.

Previous Post

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qaabilay wafdi ka socday Baarlamaanka Kenya “SAWIRRO”

Next Post

Kulan looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Kulan looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In