Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga soo horjeedo mooshinkii dhawaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Jmahuuriyada Soomaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana looga soo  horjeeday mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha bulshada, faniin iyo mas’uuliyiin kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sheegay in xilligan hay’adaha dowladda looga fadhiyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen samata bixinta bulshada Soomaaliyeed, oo aan loo baahneyn in xilligan laga shaqeeyo dib u dhac ku yimaada horumarka la hiigsanayo.

Axmed Xasan Yalaxow Guddoomiyaha degmada Shangaani oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in shacabka degmada ay yihiin dad jecel nabadda iyo dowladnimada, waxaana uu ku baaqay in loo istaago ka shaqeynta horumarka dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka goboka Banaadir ee dhanka siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay inay gacmaha isqabsadaan oo ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

“Xildhibaannadu waa Xilhdibaanno Qaran, waa Xildhibaanadeenii, inay shaqeeyaan xaq ayay u leeyihiin, laakiin waqtiga maanta la marayo iyo waaqaca jira iyada oo la fiiranayo, Qaranka in loo hiiliyo, oo loogu hiiliyo in Qaranku uu horumar oo la wada shaqeeyo, oo horay loo socda, waa wax muhiim ah oo meesha ku jira, dabcan waxaan is leeyahay ma kala go’i karno, waqtiga aan ku jirno waa waqti xaasaasi ah oo u baahan in si wada jir ah looga gudbo” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda gobolka Banaadir.

 

Previous Post

Warshad farsamada gacanta ah oo laga hirgelinayo xabsiga dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In