Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 18, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga soo horjeedo mooshinkii dhawaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Jmahuuriyada Soomaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu taageerayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana looga soo  horjeeday mooshinka ka dhan ah Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha bulshada, faniin iyo mas’uuliyiin kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka ayaa sheegay in xilligan hay’adaha dowladda looga fadhiyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen samata bixinta bulshada Soomaaliyeed, oo aan loo baahneyn in xilligan laga shaqeeyo dib u dhac ku yimaada horumarka la hiigsanayo.

Axmed Xasan Yalaxow Guddoomiyaha degmada Shangaani oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in shacabka degmada ay yihiin dad jecel nabadda iyo dowladnimada, waxaana uu ku baaqay in loo istaago ka shaqeynta horumarka dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka goboka Banaadir ee dhanka siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay inay gacmaha isqabsadaan oo ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

“Xildhibaannadu waa Xilhdibaanno Qaran, waa Xildhibaanadeenii, inay shaqeeyaan xaq ayay u leeyihiin, laakiin waqtiga maanta la marayo iyo waaqaca jira iyada oo la fiiranayo, Qaranka in loo hiiliyo, oo loogu hiiliyo in Qaranku uu horumar oo la wada shaqeeyo, oo horay loo socda, waa wax muhiim ah oo meesha ku jira, dabcan waxaan is leeyahay ma kala go’i karno, waqtiga aan ku jirno waa waqti xaasaasi ah oo u baahan in si wada jir ah looga gudbo” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda gobolka Banaadir.

 

Previous Post

Warshad farsamada gacanta ah oo laga hirgelinayo xabsiga dhexe

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In