Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaaradda arrimaha dibadda oo daah furtay Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda arrimaha dibadda oo daah furtay Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda daahfurka siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya oo maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo safiirada caalamka ee jooga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

siyaasadda dibedda ee dalkeenu yeelanayo oo ay kasoo shaqeeyeen khubaro Soomaaliyeed, isla markaana diyaarinteedu muddo socotay ayaa waxaa sharaxaad dheer ka siiyay kaqeybgalaayasha madasha marxaladaha ay soo martay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo sheegay in qiima weyn ay ugu fadhiso Soomaaliya.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Waxaa sharaf weyn u ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay dunida u bandhigto maanta Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibadda.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay tiirarka xoojiya nabad-gelyada iyo ammaanka qaran ee heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo ka qeybgal rasmi ah laga sameynayo diblomaasiyadda laba geesoodka iyo midda dhinacyada badan . oo uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirigelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara .

Waa Markii ugu horeysay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la qoray, laguna saleeyay howl wadajir ah oo hubineysa nabadda , horumarka iyo barwaaqada gobolka iyo caalamka . dhabahan waa mid u suura-gelinaya Soomaaliya inay wax wadaag faa’ido leh sameyso si dawo loogu helo caqabadaha balaaran ee hortaagan dunida maanta sida horumar waara , ilaalinta deegaanka ,xuquuqda aadanaha iyo ka hortagidda argagaxisada .

Soomaaliya, iyadoo ka guul-keeneysa ujeeddooyinka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxa ay la shaqeyn doontaa dhammaan dowladaha iyo Ururada wax wadaaga kala dhaxeeya si loo hubiyo fulin guul huwan oo ku qotanta aragtideena, si loo gaaro horumar qaran, mid gobol iyo mid caalami ah.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waa mid cad dhex dhexaadnimadeeda iyo waajib gudashadeeda ee ah ilaalinta Madax banaanida , qaranimada iyo midnimada dalka Soomaaliya

Golaha Wasiirada iyo barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa horay u meel mariyay siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya ee dhawaan la sameeyay.

IB0A9083 IB0A9084  IB0A9086 IB0A9087 IB0A9088 IB0A9089 IB0A9090 IB0A9092 IB0A9093 IB0A9095 IB0A9097 IB0A9098 IB0A9101 IB0A9103 IB0A9105 IB0A9107 IB0A9109 IB0A9111 IB0A9112 IB0A9114 IB0A9116 IB0A9118 IB0A9119 IB0A9123 IB0A9124 IB0A9127 IB0A9128 IB0A9129 IB0A9130 IB0A9133 IB0A9134 IB0A9151 IB0A9158 IB0A9171

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Gobolka oo ka shiray xoojinta amniga iyo naleynta caasimadda “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka oo ka shiray xoojinta amniga iyo naleynta caasimadda “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka oo ka shiray xoojinta amniga iyo naleynta caasimadda “SAWIRRO”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In