Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaarada Warfaafinta oo ka tacsiyeysey geeridii Kadare

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasaarada Warfaafinta oo ka tacsiyeysey geeridii Kadare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 01 February 2015 – Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

Wasiirka ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda, kan Wasaaradda Warfaafinta, kan dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kan bahda saxaafadda iyo suugaanleyda dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Dr Xuseen Sheekh Axmed Kadare allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Geeridu waa xaq, Soomaaliyana waxaa ka tagey halyey kaalin mug leh ka soo qaatay dhanka warbaahinta, qorista farta Soomaaliga iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dr Kadare, waxuu ahaa shaqsi waxbadan ku soo kordhiyey dalka, oo uu Akademiyada fanka, dhaqanka iyo suugaanta uu in muddo ah ka soo shaqeeyey kana mid ahaa shaqsiyaadkii horumariyey luqadeena qaniga ah oo ah astaamaha aan ku faano kuwa ugu waaweyn.”

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dr. Kadare Alle ha u naxariistee waxuu ka mid ahaa ragii qoray Farta Somaaliga iyo buugii Taariikhda Sayidka, isagoo sare u qaaday Akadeemiyadii fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Sidoo kale Marxuum Kadare waxuu ka mid ahaa Halgamaa Somaalida ku weyn, islamarkaana ka qeybqaatay halkagankii Xornimo doonka, isla markaana uu ahaa shaqsigii curin jirey eray bxinta loo qaadanayo Warbaahinta Qaranka markii ay soo hana qaadeysay. Innaa Lillaahi Wa Inaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay, in bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta uu ka geeeriyooday shaqsi u soo halgamay oo mudan in wanaagii uu shacabka iyo dalka u soo qabtay in lagu xuso oo lagu maamuuso.

Previous Post

Kooxda Arsenal oo Xasuuqday Aston Villa “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr.Xuseen Sheekh Axmed Kadare.

Next Post
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Dr.Xuseen Sheekh Axmed Kadare.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In