Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradadda amniga gudaha Mareykanka oo la kulantay jaaliyadda Soomaalida ee Minneapolis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradadda amniga gudaha Mareykanka oo la kulantay jaaliyadda Soomaalida ee Minneapolis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaradda Amniga Gudaha Mareykanka qeybtooda qaabilsan Duulimaadka iyo Wakaaladda Nabadgalyada Gaadiidka oo u xil saaan in ay dadka ka saarto Diiwaanka Dadka aanan loo ogoleyn in ay diyaaradaha ku dhoofaan sababo la xariira magacyo isku eg oo la isku qalday ayaa la kulantay jaaliyada Soomaalida Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Kulankani ayaa qeyb ka ahaa kulamo horey u dhacay oo jaaliyada lala yeeshay balse kulankii maanta ayaa ka duwanaa kuwii hore maadama Wakaalada nabad galyada Gaadiidka ay horey usoo qaateen qalabkooda Computer-ada kuwaasi oo fursad u siiyey dadkii maanta joogay in ay magacyadooda baaraan isla markaana laga saaro dadka Duulimaadyada loo diiday.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Arintani ayaa soo bilaabatay shan Sanno ka hor markii ay badatay cabashada iyo qeyla dhaanta Jaaliyadda Soomaalida ay ka muujinayeen in magacyadooda lagu daray Liiska dadka aanan dhoofi karin.

Kimberly Walton oo ka tirsan wakaaladda amniga gudaha. oo la hadlaysay Saxaafada ayaa sheegtay in wada shaqeyn dhab ah oo la yeesho ay horseedi karto in la sugo amniga Dalka.

“Waxaan go’aansanay in aan halkan soo gaarsiino barnaamijka dib u eegista diiwaanka dadka duulimaadka ka caaggan, taasi oo ay dadkani xaq u leeyihiin, waxaan qabanaynaa araajidooda, islamarkaasina dhagaysanaynaa cabashooyinkooda” ayay tiri.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa buuxiyey Araajida kuwaasi oo laga saaray dad magacyadooda lagu qalday waxaana la siiyey tixraac ay kaga badbaadi karaan dhibaatada mar marka qaar lagala kulmo Garoonka Diyaaradaha.

Waa Talaabo aad u wanaagsan oo jaaliyada Soomaalida ay si weyn ugu riyaaqday waxayna ku tusinaysaa in wada shaqeyn wanaagsan ay dhex taalo jaaliyada Soomaalida iyo Dowlada Maraynkanka si loogu wada shaqeeyo Amaanka Dalka oo lagu wada nool yahay.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9)

 

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeysay dilkii Wariye Caano Geel

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In