Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradadda amniga gudaha Mareykanka oo la kulantay jaaliyadda Soomaalida ee Minneapolis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradadda amniga gudaha Mareykanka oo la kulantay jaaliyadda Soomaalida ee Minneapolis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaradda Amniga Gudaha Mareykanka qeybtooda qaabilsan Duulimaadka iyo Wakaaladda Nabadgalyada Gaadiidka oo u xil saaan in ay dadka ka saarto Diiwaanka Dadka aanan loo ogoleyn in ay diyaaradaha ku dhoofaan sababo la xariira magacyo isku eg oo la isku qalday ayaa la kulantay jaaliyada Soomaalida Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Kulankani ayaa qeyb ka ahaa kulamo horey u dhacay oo jaaliyada lala yeeshay balse kulankii maanta ayaa ka duwanaa kuwii hore maadama Wakaalada nabad galyada Gaadiidka ay horey usoo qaateen qalabkooda Computer-ada kuwaasi oo fursad u siiyey dadkii maanta joogay in ay magacyadooda baaraan isla markaana laga saaro dadka Duulimaadyada loo diiday.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Arintani ayaa soo bilaabatay shan Sanno ka hor markii ay badatay cabashada iyo qeyla dhaanta Jaaliyadda Soomaalida ay ka muujinayeen in magacyadooda lagu daray Liiska dadka aanan dhoofi karin.

Kimberly Walton oo ka tirsan wakaaladda amniga gudaha. oo la hadlaysay Saxaafada ayaa sheegtay in wada shaqeyn dhab ah oo la yeesho ay horseedi karto in la sugo amniga Dalka.

“Waxaan go’aansanay in aan halkan soo gaarsiino barnaamijka dib u eegista diiwaanka dadka duulimaadka ka caaggan, taasi oo ay dadkani xaq u leeyihiin, waxaan qabanaynaa araajidooda, islamarkaasina dhagaysanaynaa cabashooyinkooda” ayay tiri.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa buuxiyey Araajida kuwaasi oo laga saaray dad magacyadooda lagu qalday waxaana la siiyey tixraac ay kaga badbaadi karaan dhibaatada mar marka qaar lagala kulmo Garoonka Diyaaradaha.

Waa Talaabo aad u wanaagsan oo jaaliyada Soomaalida ay si weyn ugu riyaaqday waxayna ku tusinaysaa in wada shaqeyn wanaagsan ay dhex taalo jaaliyada Soomaalida iyo Dowlada Maraynkanka si loogu wada shaqeeyo Amaanka Dalka oo lagu wada nool yahay.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9)

 

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeysay dilkii Wariye Caano Geel

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In