Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradaha Howlaha Guud ee DFS & kuwa D/gobaleedyada oo shir muhiim ah uga socda Muqdisho

admin by admin
February 16, 2020
in Wararka
0
Wasaaradaha Howlaha Guud ee DFS & kuwa D/gobaleedyada oo shir muhiim ah uga socda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaraddaasi iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad  ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Hay’adda UNOPS,waxaa looga  wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Jamaal Xasan Cismaan wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.

Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda ;lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u qabanayaan.

Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn laga soosaari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan

Previous Post

Waaxda deb demiska gobolka Banaadir oo ku guuleysatay deminta deb xalay ka kacay Warshad Ku taalla Muqdisho”Dhageyso”

Next Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka+Sawirro

Next Post
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka+Sawirro

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka+Sawirro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In