Hay`adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta soo saartay digniin ah in laga bilaabo maanta oo bisha Saptember ay tahay 11 aanan lagu arki Karin Magaalada Muqdisho dhexdeeda Askeri hubeynsan oo aan ka mid aheyn hay’adaha Amniga loo xilsaaray.
Sidoo kale waxay hay`adda Nabadsugidda ku wargelinaysaa dhamaan Ciidamada Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay inaysan wax dhaqdhaqaaqa ah ka dhex sameyn Karin caasimadda lga bilaabo 11ka Saptember oo maanta ku began ilaa Shirka IGAD uu ka dhamanayo.
Ciddii mudadaasi gudaheeda lagu arko Caasimadda dhexdeeda waxaa laga qaadi doona talabo waafaqsan sharciga.