Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo bulshada ee heer degmo iyo heer xaafadeed.

Guddiyadan oo la dhisay sanadkii hore ayaa tababarkan loogu talagalay in lagu xoojiyo awooddooda iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, si ay si hufan uga qayb qaataan sugidda amniga, nabadgelyada iyo bedqabka bulshada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Guddiyadu waxay si gaar ah uga shaqayn doonaan xaafadaha iyo deegaannada ka fog adeegyada dowladda, iyagoo door muhiim ah ka qaadanaya isku xirka bulshada iyo laamaha amniga, ka hortagga dhibaatooyinka amni iyo xoojinta nabadda magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Galmudug ay ku horumarinayso wada-shaqaynta Booliiska iyo bulshada, si loo helo bulsho amni ahaan isku tashata oo si dhow ula shaqaysa hay’adaha dowladda.

Previous Post

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In