Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee (UGUS) ay damacsanyihiin sidii ay weerarro argagixiso uga geysan lahaayeen goobaha cibaadada iyo meelaha ay dadka rayidka ah isugu yimaadaan.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudah Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in kooxaha argagaixisada ah ee Ajaanibta iyo kuwa la qalday ay damacsan yihiin geysashada weerarro argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka rayidka ah, kaddib markii ay xogtaan heleen hey’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya, iyadoo farriin arrintaa ku aaddan la soo saaray.
“Dadka ku nool caasimadda waxaan ugu baaqaynaa inay feejignaan muujiyaan, sida ay hay’adaha amniga ay xog ku helayaan in maleeshiyaadka UGUS ay maleegayaan shir qoolo ay ku doonayaan inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed, marka waxaan muwaadiniinta ka codsaneynaa in hay’adaha amniga ay la wadaagaan Qatar kasta ay kooxaha Shabaabku maleegayaan, si looga hortago” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.
Halkan ka dhageyso