Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Xoogga dalka oo qeybo cusub u magcaabay saraakiil dhowaan la dalacsiiyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo qeybo cusub u magcaabay saraakiil dhowaan la dalacsiiyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiishaan oo qaadatay tababarka layli sarkaal oo dhawaan loo soo gabagabeeyay ayaa maanta munaasabad lagu qabtay xerada Ciidamada xooga dalka ee Jasiira waxaa looga dhawaaqay in loo kala badalay qaybo ka mid ah Ciidanka waxaana ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdalle Xuseen Cali. Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka xooga.

Saraakiishaan ayaa waxaa loo kala badalay dhowr gobol iyo qaybo ciidanka ka mid ah sida taliye koox ,taliye horin,tababarayaal iyo kuwa kale dugsiyada tababarka ciidanka ee Dhoobley, beledxaawo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar iyo goobo kale ayaa saraakiisha qaar loo badalay.

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026

Madaxa hogaanka Ciidanka Jeneraal Caynte oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu halkaa ka aqriyay magacyada saraakiisha iyo goobaha loo kala badalay isagoo kula dardaarmay saraakiisha in howlaha loo idmaday ay u gutaan si wanaagsan.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cabdi Risaaq Khaliif Cilmi ayaa waxaa uu sheegay in uu socdo qorshe balaaran oo dib u habeyn iyo tayeen loogu sameynayo Ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in marka la gaaro 2016 ka ay ciidamada AMISOM kala wareegaan dalka goobaha ay ka joogaan saraakiishaanina ay qorshahaas qayb ka yihiin.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdalle Xuseen Cali ayaa waxaa uu la dardaarmay saraakiisha la dalacsiiyay ee loo idmaday in ay hogaanka ciidanka xoogga ka qayb qaataan .

Ciidamada mas’uuliyiintu ay kula hadleen xerada Jasiira ayaa waxaa ka mid ahaa ku dhawaad 30 arday ka soo qalin jabisay kuliyada ciidamada jaamacad ku taala dalka Sudan. Xaflad lagu qabtay magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha dalkaas mudane Cumar Xasan Al Bashiir iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya mudane Cabdalle Xuseen Cali  waxaana Al Bashiir uu kula dardaarmay Ardadydaan in aqoonta ay barteeen ay ugu adeeegaan Qaranka Soomaaliya.

3 2 3 4 5 6 1

8 9 10 11 13

Sawir Qaade:- Axmed Cali Kaahiye

 

 

Previous Post

Muqdisho: “Shacabka haka feejignaadaan shirqoolada ay maleegayaan Shabaab” Dhageyso

Next Post

Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Next Post
Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday labo dhagarqabe

Ciidamada NISA oo hawlgal kusoo qabtay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa Masar oo Khadka Taleefanka ku Wada Hadlay

July 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali(Dhaay), ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

Foreign Ministers of Somalia and Egypt Hold Telephone Conversation

July 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E.Abdisalam Ali, held a telephone conversation...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar laba toddobaad socday oo ku saabsanaa filim-sameynta

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa soo xiray tababar laba toddobaad socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In