Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga Gudaha oo xarumo lagu dhaqan celiyo isa soo dhiibayaasha ka soo goosta argagixisada ka hirgelin doonto deegaanno horleh “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Amniga Gudaha oo xarumo lagu dhaqan celiyo isa soo dhiibayaasha ka soo goosta argagixisada ka hirgelin doonto deegaanno horleh “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Caadil Sheegow Sagaar iyo Wasiiru dowlaha Amniga ee Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Dhaqan celinta isa soo dhiibayaasha ka soo tegay maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Wasiirada oo kormeerka ahaa mid ay ugu kuurgalayeen baahiyaha ka jirta xarunta, taasi oo dadka ku jira ay ka faa’iideysteen cafiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa indho indheeyeen qeybaha kala duwan ee xarunta oo ay ku jiraan Maktabad ay yaalaan buugaag wacyigelin ah, goob lagu qabto shirarka lagu wacyigelinayo isa soo dhiibayaasha iyo goobo kale.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar ayaa warbixinno ku saabsan baahiyaha ka jirta xarunta iyo qorshayaasha ka dhageystay Agaasinka iyo saraakiisha ku sugan xarunta, waxaana uu balan qaaday in kan Wasaarad ahaan ay dabooli doonaan baahiyaha ay soo gudbiyeen maamulka xarunta oo ay ka jawaabi doonaan.

Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in xarumo dhaqan celin oo horleh ay ka furi doonaan Dowlad Goboleedyada aan lahayn xarumaha nuucaani oo kale ah, kuwaasi oo kala ah, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Next Post

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Waajid “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Waajid “SAWIRRO”

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Waajid “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In