Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in la dardar gelin doono sugidda amniga caasimadda, iyada oo ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga Dalka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdikaamil Macalin Shugri oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay labo laabeen hawlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Dalka ee looga hortagayo hagardaamooyinka ay maleegayaan Argagixisada Al-Shabaab.
“Magaalada Caasimadda dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa saddex milyan, laamaha amniga ee dowladda waxa ay sii xoojinayaan sugidda amniga, waxaana shacabka ka codsaneynaa inay gacan siiyaan ciidamada nabadgelyada, si looga hortago falalka ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa xusay in ciidamada amniga ay maalmihii dhawaa Muqdisho ka sameynayeen howlgallo lagula dagaallamayo Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray inay joogteen doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.