Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga oo soo saartay awaamiir ku saabsan amniga mas’uuliyiinta dowladda

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareegto ka soo baxday xafiika Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa lagu faahfaahiyay go’aanada ku saabsan sugidda amniga mas’uuliyiinta dowladda.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in muddo afar iyo toban cisho gudahood ay mas’uuliyiinta dowladda ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda gaarka ah, waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa sugitaanka Amniga iyo Xasalinta Amniga caasimadda, go’aankasi oo ku taariikheysnaa 11 May ee 2017.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Go’aanka Golaha Wasiirada faqradda 7-aad oo uu dhigan sidan. “Waxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47”.

Si loo dhaqangeliyo go’aankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D)

Previous Post

Daawo sawirrada dhisme London ku yaala oo gubanaya

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadda raggii loo heystay dilka Wasiir Cabaas

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadda raggii loo heystay dilka Wasiir Cabaas

Maxkamadda Ciidamada oo soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadda raggii loo heystay dilka Wasiir Cabaas

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In