Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay bulshada rayidka ee Koonfur Galbeed (KG), kulanka ayaa ku saabsanaa in dadka ay ra’yigooda ka dhiibtaan qoraalka qabyada ah ee Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda gacanta ku hayso.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Arrimaha Dastuurka KG Mudane Cabduqaadir Nuur Caraale, iyo masuuliyiin kale oo katirsan dawlad goboleedka KG.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiir Xoosh oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in talada bulshada rayidka ee KG ay muhiim u tahay diyaarinta Qorshaha Guud ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Maanta waxaa sharaf inoo ah in kulamadii wadatashiga mid kamid ah aan ku qabano Baydhabo, waxa aan idinkaga baahannahay in aad taladiina ku darsataan qabyo qoraalka Qorshaha Guud ee haannaanka dib-u-eegusta Dastuurka ee aan diyaarinayno” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa talooyin badan u soo gudbiyay Wasaaradda iyaga oo ku dhiirageliyay in ay sii wadaan kulamada ceynkan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Qorshaha Guud uu weli yahay qabyo uuna rasmi noqon doono marka laga tala geliyo dhamaan dawlad goboleedyada kadibna lagu ansixiyo shirweynaha Qaran ee Dastuurka ee bisha soo socota ka dhici doona Muqdisho ayna ka qaybgeli doonaan madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

WARBIXIN+SAWIRRO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland.

Next Post

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In