Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah ku qabatay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay bulshada rayidka ee Koonfur Galbeed (KG), kulanka ayaa ku saabsanaa in dadka ay ra’yigooda ka dhiibtaan qoraalka qabyada ah ee Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda gacanta ku hayso.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Arrimaha Dastuurka KG Mudane Cabduqaadir Nuur Caraale, iyo masuuliyiin kale oo katirsan dawlad goboleedka KG.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Wasiir Xoosh oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in talada bulshada rayidka ee KG ay muhiim u tahay diyaarinta Qorshaha Guud ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Maanta waxaa sharaf inoo ah in kulamadii wadatashiga mid kamid ah aan ku qabano Baydhabo, waxa aan idinkaga baahannahay in aad taladiina ku darsataan qabyo qoraalka Qorshaha Guud ee haannaanka dib-u-eegusta Dastuurka ee aan diyaarinayno” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa talooyin badan u soo gudbiyay Wasaaradda iyaga oo ku dhiirageliyay in ay sii wadaan kulamada ceynkan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Qorshaha Guud uu weli yahay qabyo uuna rasmi noqon doono marka laga tala geliyo dhamaan dawlad goboleedyada kadibna lagu ansixiyo shirweynaha Qaran ee Dastuurka ee bisha soo socota ka dhici doona Muqdisho ayna ka qaybgeli doonaan madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

WARBIXIN+SAWIRRO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland.

Next Post

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka “SAWIRRO”

War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka "SAWIRRO"

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In